0

Sheeko: Tuugsadihii aan tixgalinta lahayn

2024-01-12

Haweeneey ayaa waxay tuulo yar ku lahayd foorno ay rootiga ku samayso. Subax kasta waxay dhowr xabo oo rooti ah u diyaarin jirtay dadka tuugsada, iyadoo daaqada saari jidhay.

Maalin walba waxaa goobta yimaada oday tuugsada oo xabad rooti ah qaata. Balse ma uusan dhihi jirin mahadsanid ee waxa uu subax walba ku yiraahdaa "Xumaanta aad samayso adiga ayay kula joogeysaa, wanaaga aad samayso adiga ayuu kuu soo noqonayaa."

Maalin kasta hadalkaa ayuu ku yiraahdaa marka uu rootiga qaato. Haweeneydii ayaa bilowday in ay dhibsato hadalka ninka. Waxay bilowday in ay is waydiisato sababta uu hadalkaasi u yiraahdo. Waxay bilowday in ay necbeysato odayga.

Rootiga uma diidi karto oo banaanka ayay dhigtaa oo qof kasta oo tuugsada waa qaadan karaa. Maalin ayaa sheydaan ka dhaadhiciyay in ay odaygaan is dhaafiso.

Waxay go'aansatay in ay rootiga sun ugu darto. Xabad rooti ah oo gaar ayay u diyaarisay oo ay sun ku dartay. Markii ay damacday in ay daaqada u saarto ayaa gacantii gariirtay. "Waa maxay waxa aan samaynayaa?" ayay is waydiisay. Way naxday oo waa ay ka laabatay ficilkii xumaa.

Rootigii ay sunta ku dartay ayay dabka ku tuurtay, iyadoo mid kale diyaarisay ka dibna daaqada saartay.

Odaygii sida caadada ahayd ayuu qaatay rootigii isagoo ku yiri "Xumaanta aad samayso adiga ayay kula joogeysaa, wanaaga aad samayso adiga ayuu kuu soo noqonayaa." Ma oga buuqa ka guuxaya maskaxda haweeneyda.

Haweeneyda waxay lahayd wiil dhalinyaro ah, kaasoo dhowr isbuuc ka hor go'aansaday in uu u safro magaalo kale si uu shaqo u raadsado.

Mudo hadalkiisa ma aysan maqal iyadoo mar walba ku duceysan jidhay in uu u soo noqdo isagoo caafimaad qaba.

Fiidkii ayaa waxaa albaabka u soo garaacay qof. Mise waa wiilkeedii oo rafaad badan ka muuqdo. Waxa uu ku yiri "Hooyo, waa mucjiso in aan caawa halkaan kula joogo."

Waxa uu u sheegay in markii uu guriga u soo dhawaa uu dhulka ku dhacay gaajo darteed. "Markii aan safarka aaday ayaan lumay oo maalmo badan cunto ma cunin."

Waxa uu u sheegay in uusan guriga nolol ku soo gaari lahayn haddii uusan badbaadin lahayn oday tuugsada oo siiyay xabad rooti ah.

"Waxa uu igu yiri, maalinta oo dhan xabadaan rootiga ayaa cunto ii ah, laakiin maanta adiga ayaa iga gaajo badan ee cun."

Markii haweeneyda ay maqashay hadalkaasi ayaa dhulku la wareegay. Waxay xasuusatay hadalkii odayga tuugsada ee ahaa "Xumaanta aad samayso adiga ayay kula joogeysaa, wanaaga aad samayso adiga ayuu kuu soo noqonayaa."

Waa ninkii ay saaka dooneysay in ay sunta siiso. Haddii ay siin lahayd rootiga ay sunta ku dartay waxaa cuni lahaa wiilkeeda oo ku dhiman lahaa. Xumaantu iyada ayay la joogi lahayd. Wanaagii ay samaysay waaka badbaadiyay wiilkeeda.


Readers

Image
Sabrin
Image
Daaa

0 comments


No comments added.

Ubax App