0

Waxaa dabka saartaa digsi oo waxaa ku ridaa Rah nool

2024-01-25

Waxaa dabka saartaa digsi biyo ka buuxaan, ka dibna waxaad ku ridaa Rah nool. Marka biyuhu ay kululaadaan Rahu waxa uu isku dayayaa in uu la qabsado heer kulka biyaha. 

Markasta oo ay biyuha sii kululaadaan rahu waxa uu awoodaa in uu la sii qabsado kuleylka biyaha.

Marka ay biyuhu ku dhowyihiin in ay karkaraan ayay Raha ku adkeeneysaa in uu ku sii jiro kuleylka. 

Waxa uu go'aan ku qaadanayaa in uu ku boodo digsiga. 

Laakiin uma suurto galinayso in uu ka baxo digsiga maadaama uusan haynin energy fiican.

Waxa uu ku lumiyay awoodisii intii uu isku dayayay in uu la qabsado heerkulka biyaha. 

Waa uu baqtinayaa Rahu. 

Maxaa dilay Raha? 

Dad badan wax leeyihiin karkarka biyaha ayaa dilay. Laakiin Raha waxaa dilay in uusan go'aanka in uu biyaha ka boodo qaadan mar hore. 

Oo uu awoodiisii ku lumiyay in uu isku dayo in uu la qabsado heerkulka biyaha markasta sii kululaanaya. 

Dad badan waxay ku jiraan ama soo mareen xaalada Raha. Waxaysan aqoon xiliga ku haboon ee go'aan laga qaato xaalad dhibaatoleh. Waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan xiriir xun ama guur murugo leh ama ganacsi qasaaro ah.

Dad badan waxay go'aansadaan in aysan degdeg xaalada uga bixin oo ay waqti siiyaan qofka kale. Laakiin waxaa dhacda in mararka qaar sida Raha ay go'aanka qaataan xili uu ka dhamaatay awoodii oo uu soo gaaray dhib badan. 

Haddii aad ku jidho xaalad adag, is weydii, maku haboontahay in aan dadaal iyo waqti keliya xalinteeda? Mise waxaa la joogaa xiligii aan ka boodi lahaa digsiga karkaraya. 

Readers

Image
Xamda
Image
Anwar

0 comments


No comments added.

Ubax App