About Ubax.app


Waa maxay Ubax.app?

Ubax.app waa adeeg isku xiraya Soomaalida guurdoonka daacada ah.

Sidee xubin uga noqon karaa?

Si aad xubin uga noqoto riix halka ku taalo Create Profile ka dibna abuuro profile.

Sidee fariin ugu diri karaa xubin kale?

1. Booqo profileka qofka ka dib riix Msg.

Sidee chat ula sameyn karaa xubin kale?

1. Si aad xubin kale Chat ugula samayso Whatsapp waa in aad u dirtaa ubax (rose), haddii uu kaa aqbalo waxaad message ugu diri kartaa Whatsapp.

2. Haddii aad tahay xubin VIP Member waxaad toos kula sheekaysan Whatsapp. Aqbalaadu waa automatic marka aad rose qof u dirto.

Yaa arki kara nambarkeyga Whatsapp?

Whatsapp-kaaga waxaa arki kara keliya qofka aad ka aqbasho ubax (rose) ama xubnaha VIP Member ee rose kuu soo dira.

Yaa arki kara sawiradeyda?

Marka laga reebo sawirka profile-ka, sawirada kale waxaa arki kara keliya qofka kuu soo dira rose ama xubnaha VIP Member ee rose kuu soo dira.

Sidee qof ugu diraa ubax?

Booqo profile-ka qofka ka dibna riix halka ay ku taalo Send.

Sidee u aqbalaa rose?

Booqo halka ay ku taalo Roses ka dibna riix Accept.

Rose ayaan diray laakiin lama aqbalin?

Waxaa macquul ah in xubinta uusan appka soo galin. Haddii 7 maalmood ka dib aan la aqbalin waad ceshan kartaa rose-ka. Ama waxaad noqon kartaa VIP Member oo aqbalaadu waa automatic.

Sidee ku heli karaa Roses?

Marka laga reebo rose (ubax) qof kale kuu soo diro waxaa sidoo kale rose ku heli kartaa 1. Maalin kasta oo aad Login sameyso waxaad helaysaa 5 rose. Haddi aad tahay VIP Member waxaad helaysaa 10 rose maalin kasta. 2. Marka aad appka xubin ka noqoto waxaan ku siinaynaa 10 rose. 3.. Waxaad iibsan kartaa roses.

Sidee u badali karaa sawirka profileka?

Booqo profile, ka dibna riix Photos, dooro Yes halka ay ku taalo Make Profile Photo ka dibna soo upload garee sawirka. Xasuusnoow waa waajib sawirka profileka in uu yahay sawirkaaga.

Qarsoodi maku isticmaali karaa Ubax app?

Haa, haddii aad profilekaaga qarsoodi ka dhigto waxaa arki kara keliya qofka aad rose ama fariin u dirto oo keliya. Si aad u qariso booqo profilekaaga, riix Edit, ka dibna Visibility waxaa ka dhigtaa Hide. Qofka VIP Member keliya ayaa qarin kara profileka.

Sidee u delete gareyn karaa profilekeyga?

Booqo profile, ka dibna riix Edit, ka dibna Disable profile.

Sidee ula soo xiriiri karaa team-ka Ubax.app?

Halka ay ku taalo Help ayaad nagala soo xiriiri kadhaa.

Sidee Iphone loogu shubtaa Ubax app?

Inkastoo uusan Ubax app ku jirin App Store-ka hadana waxaa appka ahaan ugu shuban kartaa Iphone. Raac talaabooyinkaan si aad ugu shubato Iphone.

1. Safari ku soo fur websiteka www.ubax.app
2. Riix button-ka Share ee dhexda hoose ku yaala.
3. Riix Add To Home Screen.
4. Riix Done.

Marka ayuu kuu soo galayaa isaga oo app ah.

Menu

Start page


About Ubax
Blog posts
Contact us
Privacy Policy


Login or create a profile