0

Sheeko: Yaa xaday saacada?

2024-02-19

Wiil ayaa oday ku yiri "ma i xasuusataa?" odaygii ayaa ku yiri "Maya." Wiilkii ayaa ku yiri "Waxaan ka mid ahaa ardadaada, hadana waxaa noqday macalin."

Odaygii ayaa waydiiyay waxa ku dhaliyay in uu go'aansado in uu macalin noqdo. Wiilkii ayaa odayga ku yiri "Adiga ayaa sabab u ah."

Waxa uu ku yiri "Maalin anaga oo joogna fasal adiga aad macalin ka tahay, ayaa saaxiibkey waxa uu iskuulka la yimid saacad cusub."

"Saaxiibkey saacada waxa uu gashaday boorsadiisa. Ka dibna waan ka xaday."

"Saaxiibkey isla markii ayuu ogaaday in saacadii ka maqantahay, markaasuu adiga  kuu dacwooday."

"Ka dib waxaad ku tiri ardada dhan in saacad ay maqantahay oo qofkii qaatay uu soo celiyo. Laakiin ma aanan soo celin aniga oo ceebta ka cabsanaya."

"Ka dib waxaad ardada ku amartay in ay saf galaan oo indhaha ay wada xirtaan. Adigoo noo sheegay in aad jeebabkeena wada baareyso."

"Dhowr arday markii aad baartay ayaad saacada waxaad ka heshay jeebkeyga, laakiin ma aadan joojin baaritaankii ilaa ardada dhan aad wada baadhay."

"Ka dibna waxaad noo sheegtay in aan indhaha furno adigoo saacadii gacanta ku haaya."


"Ma aadan sheegin qofka aad jeebkiisa ka heshay."

"Maalintaas waxaad badbaadisay sharafteyda, waxay ahayd maalintii iigu ceebta badneyd. Iguma aadin qaylin, qofna uma aadan sheegin."

"Ma xasuusataa dhacdadaas?" ayuu wiilkii ku soo dhameeyay hadalkiisa.

Waxa uu ku jawaabay

"Waa xasuustaa dhacdadii saacada la xaday ee aan qofkasta jeebkiisa ka baadhay, laakiin adiga kuma xasuusan."

"Waayo markii aan jeebkiina baarayay, aniga xitaa indhaha ayaan iska xiray."

Muxuu indhaha isaga xiray macalinka?

Readers

Image
Kalid
Image
Farduus
Image
Omar Abd
Image
Hanad
Image
Ahmed
Image
Ayan

0 comments


No comments added.

Ubax App