0

Duco ama habaar mid dooro - Sheeko xiiso leh

2024-05-04

Sumaya waxay ahayd gabar qurux badan oo dhawaan dugsiga sare dhamaysay. Waxay ahayd gabar hammi badan oo ku riyoota in ay nolosha horumar ka gaadho.

Laakiin sida caadada u ah Soomaalida gabadhu marka ay qaangaar noqoto waxaa lagu qalqaaliyaa guurka.

Har iyo habeen Sumaya waxaa lagu yiraahdaa maad guursatid balse waxay ugu jawaabtaa "hada qorshe kale ayaan nolosha ka leeyahahay."

Eedo, adeer iyo qaraabada midba mar ayuu wiilkooda ku qalqaaliyaa. Waxaa ka sii badan wiilasha xaafada ee shukaansiga ka hari la.

Laakiin Sumaya sheekadaas uma soo jeedo, waxay gashay jaamacada iyadoo guud ahaan indhaha iyo dhagaha ka xiratay shukaansiga wiilasha.

Yoolkeedu waxa uu ahaa in ay jaamacada dhamayso ka dibna ay waxbarashada ka sii wadato dibada. Markii ay jaamacada dhamaysay ayay waalidkeed u soo bandhigtay qorshaha ay ku dooneyso in ay raadsato deeq waxbarasho oo dibada ah.

Balse arinkaas waalidkeed waa ka diideen. Waxaa lagu yiri in aysan aqbali karin gabar single ah oo dibada waxbarasho u aadeysa kaligeed.

Waalidkeed ayaa qorshe u deggay in ay ku qasbaan wiil ay qaraabo yihiid oo lacag leh. Habeen ayaa aabaheed iyo hooyadeed u yeereen.

"Aabe waxaan kuu wadnaa arin muhiim ah." ayay hadalka ku bilaabeen. Sumaya waa iska fahantay sheekada meesha ay u socoto. Inta aysan hadalka sii wadin ayay inta istaagtay ku jawaabtay "Maya aabe iyo hooyo. Qorshe kale ayaan nolosha ka leeyahay."

Aabaheed ayaa ku yiri "oo maxaad ka ogtahay waxa aan kuu sheegi doono?"

Waxay ugu jawaabtay "aabe waa fahansanahay qorshaha. In aan guursado diyaar uma ihi hadda."

Aabaheed oo xanaaqsan ayaa ku yiri "Arinkaan doorasho maaha. Go'aan ayaan soo gaarnay."

"Waxaan ku siiyay Fahad Cusman. Duco qaado oo nagga aqbal ama habaar qaado."

Sumaya dhulkii ayaa la wareegay. Dadka hore u soo damcay Fahad Cusman waa midka ay ugu necebtahay. Waa nin balwad leh oo aysan ugu bixin guud ahaan.

Waxay waligeed maqli jirtay duco iyo habaar kala dooro laakiin isma lahayn adiga ayay ku qabsanaysaa.   

Laakiin Sumaya waxay ahayd gabar quruxda ku darsatay caqli badan. Waxay ku tiri waalidkeed. "Waayahee labo maalin i siiya aan kaga soo fikiro arinkaan muhiimka ah." Iyadoo waalidkeed ka aqbaleen. 

Dhawaan la soco Part 2. 

Readers

Image
Sabrin
Image
Abdirahm
Image
Intifaac
Image
Abdiaziz
Image
Faaisa a
Image
Ugbaad a
Image
Aadan mo
Image
Yuusuf
Image
Moha
Image
Maher
Image
Luqmaan
Image
Cazmi
Image
Qaali
Image
Mohamoud
Image
Khalif
Image
JaynE
Image
Fatuma
Image
Abdirahm
Image
AbdulGha
Image
Abdimali
Image
Omar Abd
Image
Kalid
Image
Wll_Faha
Image
Maxamed
Image
Apdalle
Image
Abwaan a

0 comments


No comments added.

Ubax App