0

Sheeko: Wiilkii necbaa muuqaalka hooyadiis

2024-01-10

Hooyadeey waxay iskuulkayga ka ahayd cunto kariye. Waxay lahayd hal il, iyadoo ay ardada kale igu caayi jireen in aan ahay wiilka naagta isha l'a.

Waxaan aad u necbeystay muuqaalka hooyadeey.

Maalin ayaan ku iri "waxaad igu tahay ceeb, foolxumadaada waxaa dhaanta adigoo iska dhinta."

Waxaan sugi la'aa in aan iskuulka dhameeyo oo aan ka fogaado halka ay joogto. Markii aan dugsiga sare dhameeyay waxaan jaamacad ka galay magaalo ka fog halkii ay ku nooleyd.

Xiriirkeenii wuu go'ay oo sanado badan isma aanan maqal. Waan guursaday oo caruur baan dhalay.

Maalin ayay hooyadey si lama filaan ah nagu soo booqatay. Caruurtaydii ayaa ku qoslay isha ka maqan, way ka cabsadeen oo waa ay ka carareen.

Si fiican uma aanan soo dhaweyn oo iyada oo murugaysan ayay iska laabatay.

Maalin ayaan go'aansaday in aan booqdo magaaladii ay ku nooleyd, si aan u booqdo asxaabteydii hore.

Markii aan imid ayaa dariska ii sheegeen in hooyadeey ay geeriyootay dhowr isbuuc ka hor, oo waxay i dhiibeen warqad ay ii reebtay. Xitaa kama murugoon geerideeda ee warqadii ayaan furay oo sidaan u qorneyd.

"Wiilkaygii,

Maalmahaan waa xanuunsanaa oo waxaa laga yaabaa marka aad warqadaan hesho in aanan aduunka joogin.

iga raali noqo in aan ceeb kugu noqday noloshaada. Waan ku faraxsanaa in aan ku soo booqdo gurigaaga iyo caruurtaada.

In aan kuu sheego ma rabin, balse waxaad ogaataa markii aad yareyd in aad gashay shil, adigoo ay kaa dhacday il. Hooyo ahaan waan fiirsan waayay in aad hal il ku soo korto, sidaa darteed ayaan kuu bixiyay ishaydii.

Waxaan diidanaa in adiga lagugu caayo wiilka isha la. Aniga dadka caydooda iyo ceebtoodu waxba uma arkin, laakiin in aad adigu i nacdo ayaa geerida igala xanuun badan.

Wiilkaygii waxaan kuu rajeynayaa adiga iyo caruurtaada nolol fiican.

Hooyo. "

Markii aan warqada dhameeyay ayaa ilmo iga soo daadatay. Erayadii xanuunka badnaa ee aan hooyadeey ku dhihi jiray ayaa igu noqday sida midi qalbiga la iiga dhuftay.

Maanta ma noola hooyadey in ay i cafiso. Sideen ku dhaqi kari wixii dambi aan ka galay. Waxay ii hibeysay arageedii iyo quruxdeedii, ana waxaan ugu guday caay iyo xumaan.

Waxaa igu soo deggay xasuusta sidii ay ii daryeeli jidhay markaan yaraa.

Waxaan xaqiiqsaday jaceylka hooyada inta uu gaari karo iyo dhaawaca aan la dhayi karin ee aan hooyadeey u geystay caruurnimadii iyo markaan qof weyn noqday.

Waxaan soo laabtay anigoo go'aansaday in aan hooyadeey xasuusteeda weyneeyo. In aan caruurtayda ku barbaariyo jaceylka hooyada.

Laakiin waligey nafteyda kama cafin karo dhaawacii aan u geystay hooyo. Haddii hooyadaa kuu nooshahay, ka ilaali eray dhaawici kara qalbigeeda, waayo ma ogid inta ay dartaa u sameyso.


Readers

Image
Xamda
Image
Marwan
Image
amaal ma

0 comments


No comments added.

Ubax App