0

100 qof iyo 100 buufin markii qol lagu xiray maxaa dhacay

2024-03-22

Macalin seminar bixinaya ayaa 100 qof waxa uu ku amray in ay magacagooda ku dul qoraan buufino.

Ka dibna buufintii ayuu inta ka ururiyay waxa uu ku dhex sii daayay qol.

Ka dib waxa uu faray dadkii in ay galaan qolka oo 5 daqiiqo gudaheed uu qof kasta ka soo dhex saaro buufinta magaciisu ku qoranyahay.

Qolkii waxa uu noqday isku dhexyaac ah oo dadkii way ku adkaatay in ay helaan buufinta magacooda ku qoranyahay.

Markii ay 5 daqiiqo dhamaatay ayuu macalinkii ku amray dadkii in ay qolka ka soo baxaan.

Ka dib ayuu faray in ay ku laabtaan qolka oo markaan qofkasta uu soo qabsado buufinta ugu horeysa ee ka hor timaado.

Ka dibna uu gacanta u galiyo qofka magaciisa uu ku qoranyahay. daqiiqo gudaheed qof kasta buufintiisii qof kale ayaa u keenay.

Macalinkii ayaa ku yiri dadkii :

"Dhacdadaan waxay tusaale u tahay nolosheena. Caawimaada dadka waa lagu faa’idaa ee laguma qasaaro. Dad badan ayaa dhibsada caawimaada dadka balse caawimaadu waa wareegto, oo adigu markaa qof caawiso mid kale ayaa ku caawinaya."

Waligaa ha dhibsan caawimaada dadka!

Readers

Image
Kalid
Image
Xamda
Image
Marwan
Image
Apkoheos
Image
Mustafe
Image
Apdilahi
Image
Khadar o
Image
Omar Abd
Image
Moha Rid
Image
caaliya
Image
Ahmed
Image
Hanad
Image
Mohamett
Image
Mohamed
Image
Ayan
Image
Axmed
Image
Kalidbak
Image
Hassan D
Image
Abdikadi
Image
Cumar
Image
Samiir
Image
Daaa
Image
Mohamed

0 comments


No comments added.

Ubax App