0

Sheeko: Baradho, ukun iyo caleen shaah

2023-12-10

Gabadh ayaa aabaheed uga cabatay dhibaatada nolosha, iyadoo u sheegtay in ay noloshu ku adkaatay oo markasta oo ay dhibaato ka baxdo ay gasho mid cusub.

Aabaheed oo ahaa cunto kariye ayaa isaga oo aan u jawaabin waxa uu geeyay jikada isagoo dabka saaray ukun, baradho iyo caleen shaah.

Gabadhii oo la yaaban aabaheed ayaa si si samir la'aan u sugeysa in uu jawaabo.

Labaatan daqiiqo ka dib ayuu dabkii damiyay, isagoo ukunta iyo baradhada ku guray saxamo, shaahiina ku shubay koob. Gabadhii ayuu waydiiyay "maxaad aragtaa aabe?"

"Waxaan arkaa baradho, ukun iyo shaah." ayay ugu jawaabtay.

"Si fiican u fiiri, oo taabo ukanta iyo baradhada, shaahana dhadhami." ayuu ku yiri.

Sidii la faray ayay sameysay laakiin wali ma fahmin. "Maxaa laga wadaa sidaan." ayay waydiisay.

Aabaha ayaa ugu jawaabay "Sadexdaan shey waxay arkeen isku dhibaato, kuleelka dabka, balse isku si uma uusan saameyn. Ukuntu way jilicsaneyd markii dabka la saaray balse wey adkaatay, baradhadu waa adkeyd balse jileec ayay noqotay, caleenta shaahuna wixii ay aheyd maahane wax kale ayay noqotay."

Isaga oo hadalka sii wata ayuu waydiiyay "Hadaba sadexdaan midkee tahay? Marka dhibaato ku soo wajahdo ma waxaa dooneysaa in aad noqoto ukun, baradho ama caleen?"

Xikmada sheekada ayaa ah in nolosha ay ku soo marayaan dhibaatooyin balse lagaa doonayo falcelis wanaagsan iyo adkeysi. Waa tii la yiri "waqtiga adag ma waaro ee dadka adag ayaa waara."


Readers

Image
Sabrin
Image
Anfac
Image
rashid

0 comments


No comments added.

Ubax App