0

Sheeko: Jeesjeeskii ilmadu ka dambeysay

2024-01-07

Nin faqiir ah ayaa saa'id u jeclaa gabar aabaheed dhaqaale leeyahay. Mudo dheer ayuu ku hamminayay in uu jaceylkiisa u sheegto balse waxa uu ka cabsi qabay in ay diido.

Maalin ayuu go'aansaday in uu geesi iska dhigo oo uu jaceylkiisa u sheegto. Laakiin nasiib darro way ku jeesjeestay, iyadoo ku tiri "Sidee ii jeclaan kartaa, mushaarka aad bishii qaadato waxa uu ka yaryahay qarashka aan maalintii isticmaalo, sidee ku suurto gali kartaa in aan guursado qof adoo kale ah. Aniga ima heleyside raadso qof aad isku level tihiin."

Ninkii hadalkaasi aad buu u dhaawacay. Laakiin go'aan kama qaadan in uu iska hilmaamo balse waxa uu go'aansaday in uu gaaro levelka ay sheegeyso.

Magaaladii ayuu isaga guuray isagoo sanado badan galiyay dadaal dheer oo naftiisa iyo jeebkiisa ku dhisayo.

Gabadhii iyadana aabaheed dhaqaale xumo ayaa ku dhacday, iyadoo duruuf darteed iska guursatay nin aysan jeclayn oo aan taajir ahayn laakiin mushaar fiican qaata.

10 sano ka dib ayay si lama filaan ah isku arkeen iyagoo dukaameysanaya. Isagu hore kama aqoonsan balse gabadha ayaa aqoonsatay. Markii ay isi salaameen ka dib ayuu waydiiyay xaaladeeda. Waxay u sheegtay in ay guursatay nin dhaqaale fiican leh oo bishii qaata mushaar badan, iyadoo ku sii dartay in uu yahay nin caqli badan.

Inta uusan ka jawaab celin hadalkeeda ayaa waxaa goobta soo istaagay ninkeedii, isagoo ku yiri "Mudane, xaaskeyga miyaad is barateen maanta." Isagoo gabadhii la hadlaya ayuu ku yiri "Xabiibtii kani waa bosskeyga oo waxa uu leeyahay mashruuca aan ka shaqeeyo."

Gabadhii naxdin darteed hadal waa ka soo bixi waayay. Ninkiina hore ayuu u sii socday. Markaasi ayay waydiisay "Ma hubtaa in uu ninkaasi yahay bosskaaga?" iyadoo wali aamini la hadalkiisa.

Waxa uu ugu jawaabay "Haa, waa milyaneer, aad u dadaal badan una maskax badan."

Isagoo ku daray "Laakiin waa doob, oo waligiis ma guursan, waxaa la sheegaa gabar uu jeclaa oo diiday darteed ayuu dhaqaalaha u sameeyay, laakiin ma uusan helin iyadii."

Isagoo hadalkii ku sii daray "Runtii gabadhaas waa mid nasiib darran, waayo ninkaan maanta wa mid taajir ah, waana qof aad u naxariis badan oo shaqaalihiisa daryeela."

Gabadhii hadalkii ninkeeda ayaa qalbiga ka taabtay, iyadoo ilmo ay ka soo daadatay.

Ninkeedii ayaa waydiiday "Xabiibti maxaad la ilmaneysaa?"

Uma aysan sheegin gabadha in ay iyada aheyd, ee waxay ugu jawaabtay. "Xabiibi sheekada bosskaaga ayaa qalbiga iga taabatay, waa sheeko murugo leh."

Xikmada sheekadu waa in diidmada aad ka dhigato shidaal aad ku gaadho guusha iyo in aadan waligaa qof ku jeesjeesin ma ogid aduunka meesha aad isaga soo dhici doontaan.


Readers

Image
Kalid
Image
Xamda
Image
Farduus
Image
Abdaam

0 comments


No comments added.

Ubax App