Labo nin oo saaxiibo ah ayaa safar lug ah wada galay. Markii ay muddo socdeen ayay xoogaa murmeen, ka dibna mid ayaa dharbaaxay kii kale.
Kii la dharbaaxay kama uusan falcelin dharbaaxadii balse ciidda ayuu ku qoray "saaxiibkey ayaa maanta i dharbaaxay."
Iyagoo wali isu ciil qaba ayay socodkii sii wateen. Markii ay xoogaa socdeen ayay yimaadeen meel bali ah.
Waxay go’aansadeen in ay dabaashaan. Saaxibkii hore loo dharbaaxay dabaasha si fiican uma uusan aqoon.
Waxa uu bilaabay in uu biyaha ku qarqado. Saaxiibkii kale ayaa naftiisa halis u galiyay in uu ka soo badbaadiyo biyaha.
Kii la soo badbaadiyay ayaa dhagax weyn ku qoray "saaxiibkey ayaa maanta nafteyda badbaadiyay."
Kii kale ayaa waydiiyay "markii hore ciidda ayaa wax ku qortay, hadana dhagax, waa maxay sababtu?"
Waxa uu ugu jawaabay:
"markii qof uu kugu sameeyo xumaan waa in aad ku qortaa ciidda si dabeysha cafisku u masaxdo, laakiin markii wanaag laguu sameeyo waa in aad ku qortaa dhagax si uusan waligiis u masaxmin."