0

Sheeko: Jeesjeeskii ilmadu ka dambeysay

2024-01-06

Macalimad ayaa arday u sheegaysay sheeko ku saabsan dad markab dalxiis saaran oo uu markii la dagay iyagoo badweynta maraya. Dadka markabka saarnaa waxaa ka mid ahaa lamaane da'yar.

Dadkii markabka saarnaa ayaa lagu daad gureeyay doomaha yaryar ee badbaadada. Lamaanihii ayaa noqday dadkii raacayay doontii ugu dambeysay. Balse nasiib daro dadkii kale ayaa buuxiyay oo 1 qof keliya ayaa boos ka heli karay doonta badbaadada.

Ninkii ayaa doonta ku boodday isagoo xaaskiisa uga tagay markabkii oo sii quusaya. Xaaskii ayaa iyada oo niyad-jabsan hadal ku soo qaylisay.

Macalinkii ayaa inta sheekada joojisay waxa ay ardada waydiisay. "Maxaad is leedihiin in uu ahaa hadalkii ugu dambeeyay ee xaasku ay ku qaylisay?"

Inta badan ardada waxay ku jawaabeen "Waa ku necbahay, nin rag ah ma tihid, naxariis ma lihid, sidee iiga tagi kartaa, iwm."

Macalimadii ayaa su'aashii waydiisay arday maanta oo dhan iska aamusnaa in uu aragtidiisa ku darsado. Isagoo ku jawaabay "Macalin waxaan is leeyahay in ay ku qaylisay: Cunugeena si fiican u daryeel."

Macalimada oo la yaaban jawaabta wiilka ayaa waydiisay "oo sheekadaan ma horaa u maqashay?"

"Maya." ayuu ku jawaabay, isagoo hadalka sii wata ayuu yiri "Balse waa hadalkii ugu dambeeyay ee hooyaday ay ku dhahday aabahaay inta aysan geeriyoon."

Macalimada ayaa sheekadii sii waday.

Ninkii gurigiisa ayuu ku laabtay, xaaskiina badda ayay ku geeriyootay.

Lamaanaha waxaa u joogay gabar yar, isagoo aabihii si wanaagsan u soo barbaariyay. Sanado badan ka dib ayuu sidoo kale geeriyooday aabihii.

Gabadhii ayaa heshay buugiisii xasuus qorka, iyadoo ogaatay in ka hor inta aysan hooyadeed iyo aabaheed raacid markabka, hooyadeed laga helay cudurka kansarka oo ay nolosheeda ka harsanayd bilooyin.

Aabaha ayaa go'aansaday in uu xaaskiisa badda uga soo taggo si aysan gabadhooda ugu dhicin labo waalid la'aan. Buuggiisa xasuus-qorka ayuu ku qoray markii uu markabka ka soo badbaaday "Xabiibtii waxaan jeclaan lahaa in aan badda salkeeda kula joogo, laakiin cunugteena darteed ayaan u noolahay."

Xikmada sheekada ayaa ah in mararka qaar ay ku soo marayaan xaalado adago oo u baahan in aad kala doorato xumaan iyo wanaag, oo waliba mararka qaar waxa xumaanta u muuqda ay ka dambeyso wanaag aan xiligaa muuqan.


Readers

Image
Abdikadi
Image
Abdaam

1 comments


Abdiyare

Abdiyare 


Ubax App