0

"Cuntada shaydaan ayaa kuu soo dhiibay"

2024-02-23

Mama faqiir ah ayaa iyadoo idaacada la hadlaysa waxay u sheegtay in aysan haysan waxay cunto. Iyadoo ku tiri "waxaan cunto waydiisanayaa Illaahay."

Nin gaal ah oo ka mid ah dhagaysatayaasha ayaa go'aansaday in uu ku ciyaaro maamada, isagoo qof shaqaale ah ugu dhiibay cunto badan. Waxa uu ku yiri "marka ay ku waydiiso cida u soo dhiibtay, waxaa ku dhahdaa Shaydaan ayaa kuu soo dhiibay."

Maamadii ayaa markii ay aragtay cuntada loo keenay aad u faraxday una mahadcelisay shaqaalihii cuntada u keenay iyo Illaahey. Ka dibna guriga ayay iska gashay. Shaqaalihii ayaa ku yiri "Waxyar sug, ma dooneysid miyaa in aad ogaato cida kuu soo dhiibtay cuntada?"

Mamadii ayaa ku jawaabtay "Maya. illaahey ayaan cunto waydiistay, markii uu ammar bixiyo, xitaa shaydaanku ma diidi karo."

Readers

Image
Kowthar

0 comments


No comments added.

Ubax App