0

Sheeko: Doqonkii noqday hindisaaga caanka ah

2024-01-16

Maalin ayaa wiil yar laga soo ceyriyay iskuulka. Maamulka iskuulka ayaa wiilka u soo dhiibay warqad ay u sheegeen in aysan furi karin qof aan hooyadiis ahayn.

Warqadii markuu hooyadiis u dhiibay ayuu waydiiyay waxa ku qoran. Hooyadii ayaa markii ay warqada akhrisay ilmo ka soo daadatay.

Iyadoo warqadii u akhrinaysa ayay u sheegtay:

"Wiilkaagu waxa uu leeyahay hibo qaas ah oo ilaahay siiyay. Iskuulkeenu ma lahan macalimiin si fiican wax u bari kara ee adigu guriga wax ku baro."

Hooyadiis oo ahayd macalimad iskuul ayaa sanado badan iyo saacado badan ku bixisay in ay wiilkeeda habeen iyo maalin iyadu macalin u noqoto.

Maalin ayay xanuunsatay ka dibna xanuunkii ayay u geeriyootay. Wiilkii sanado badan ka dib markii hooyadii geeriyootay waxa uu noqday nin horumar weyn gaaray oo noqday hindisaa caan ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu isaga oo guriga kala hagaajinaya waxa uu helay warqadii hooyadiis ay u soo qoreen iskuulkii laga soo ceyriyay.

Markii warqada uu furay ayuu ogaaday xaqiiqada dhabta ah. Hooyadiis warqada sida ay ugu akhrisay iyo runtu waa kala fogaayeen.

"Wiilkaagu waa mid maskaxdiisu yartahay oo aan wax la bari karin. Ma awoodno in aan wax barno ee adigu guriga wax ku baro."

Wiilkaasi waxa uu ahaa Thomas Edison oo ka mid ah hindisayaasha ugu caansan aduunka. Waa ninka alifay nalka iyo kamerada isla markaana wax badan ku soo kordhiyay telefoonka.

Buugiisa xasuus qorka ayuu ku qoray "Thomas Edison waxa uu ahaa wiil maskaxyar oo hooyadiis ka dhigtay hindisaha qarniga."

Qisada Thomas Edison waxay kuu muujinaysaa awooda iyo dadaalka hooyadu ay galiso caruurteeda iyo in xitaa haddii ay doqon dhasho ay u badali karto aqoonyahan horumar gaara.


Readers

Image
hadiya
Image
Daaa

0 comments


No comments added.

Ubax App