0

Sheeko: Naxariis iyo garasho

2023-12-14

Wiil yar ayaa maqlay hooyadiis oo deriska weydiisanaysa cusbo.

"Hooyo maxaad cusbada u weydiisanaysa deriska waaba noo taalaa." Ayuu ku yiri.

Waxay ugu jawaabtay.

"Ma haystaan lacag fiican, oo marmarka qaar waxbey na waydiiistaan."

"Waxaan weydiistay wax yar oo aan dhibeyn iyaga. Oo waxaan doonayaa in ay dareemaan in aan anaguna u baahanahay."

"Waxaan doonayaa in aysan ka xishoon in ay wax na waydiiistaan."

Naxariista ay la socoto garashadu waa waxa ugu qurxoon aduunka.

Dadka qaar iyagoo caawimaad u baahan ayaa laga yaabaa in ay ka xishoodaan in ay wax ku waydiistaan.

Garashadu waa naxariis iyo xushmad wada socda.


Readers

Image
Qaali
Image
rashid
Image
Abdaam
Image
hadiya

0 comments


No comments added.

Ubax App