0

Wiilkii email la'aantu ka badbaadisay musqulaha

2024-03-01

Wiil dhalinyaro ah ayaa shaqada nadaafada musqulaha u raadsaday shirkad weyn. Markii tijaabo laga qaaday in uu nadafaada yaqaano ayaa lagu yiri sheeg e-mailkaaga si laguugu soo diro foomkii shaqada lagugu siin lahaa. Waxa uu ku jawaabay "E-mail ma lihi." ninkii shaqada siinayay ayaa ku yiri in aysan suurto galayn in shaqo la siiyo haddii uusan email lahayn.

Wiilkii oo niyad jabsan ayaa u baxay in uu e-mail soo furto. Inta uusan e-mailka furan ayuu waxa uu arkay nin wadada ku iibinaya yaanyo oo macaamiil badan u adeegaya. Waxaa ku soo dhacday halkii uu shaqada musqulaha ka shaqeyn lahaa in uu yaanyada ka ganacsado. Maalintii ugu horeysay ayuu wadada la istaagay 20 xabo oo yaanyo ah, isagoo isla maalintii laga iibsaday. Maalintii ku xigtay 50, waa laga wada iibsaday.

Bil gudaheed ayuu biilkiisa uga helay yaanyadii. Hal sano ka dib waxa uu furtay dukaan lagu iibiyo qudaarta. Shan sano ka dib shirkadiisii waxa uu ka wada furay magaalooyin badan, isagoo noqday milyaneer.

Maalin isaga oo kulan la leh nin dalaal ah oo u raadinayay guri cusub oo uu dukaan ka furo ayuu ninkii ku yiri "e-mail ma leedahay aan kuu soo diro guryaha aan hayo?" waxa uu ku jawaabay "E-mail ma lihi." ninkii ayaa la yaabay ninka horumarka intaa le'eg sameeyay oo aan email lahayn. Waxa uu ku yiri "haddii adiga oo aan email lahayn aad waxaan oo horumar ah samaysay, ka waran haddii aad e-mail lahaan lahayd, maxaad noqon lahayd?"

Intuu xoogaa aamusay ayuu ugu jawaabay "haddii aan e-mail lahaan lahaa, waxaan noqon lahaa qof musqulaha nadiifiya."

Xikmada sheekadu waa in aadan ku niyad jabin diidmada, waxaa laga yaabaa in kheyr uu kugu jiro oo wax ka fiican ayaa laga yaabaa in ay kuu soo socdaan. 

Readers

Image
Xamda
Image
Degan
Image
Haawa bi
Image
Updilahi
Image
Omar Abd
Image
Ahmed
Image
Ahmed Al

0 comments


No comments added.

Ubax App