0

Taajir walwalsan ama faqiir faraxsan

2024-01-23

Abti waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo dadaal badan. Waxa uu ahaa nin lagu yaqaano hammi iyo hawl badan oo wado kasta u mara in uu lacag sameeyo. Inkastoo dhaqaale ilaahey siiyay hadana waxa uu ka bixi waayay farxad la'aan iyo walwal.

Maalin ayuu u tagay oday xikmad badan oo bulshada caan ka ah. Waxa uu u sheegay in uu haysto wax kasta oo noloshu u baahanyahay, hadana uusan faraxsaneyn.

Odaygii isaga oo aan talo siin ayuu ku yiri "Beri ii soo laabo."

Maalintii ku xiktay ayuu soo laabtay. Markuu soo gaaray gurigiisa ayuu u yimid odaygii oo banaanka guriga wax ka raadinaya. "Maxaa kaa lumay adeer?" ayuu waydiiyay.

Odaygii ayaa u sheegay in uu raadinayo faraanti ka lumay. Wiilkii waxa uu bilaabay in uu la raadiyo faraantiga. Waqti dheer ayay raadinayeen balse ma aysan helin. Markii dambe ayuu wiilkii waydiiyay "Horta xagee kaaga dhacay faraantiga.?"

Odaygii ayaa ku jawaabay "Guriga dhexdiisa oo mugdi ah ayuu iiga dhacay."

Wiilkii oo yaaban ayaa waydiiyay "Haddii uu guriga kaaga lumay, maxaa banaanka uga raadineysaa?" 

Odaygii ayaa ugu jawaabay "Wiilkeygii, faraanti igama lumin, laakiin adiga ayaan rabay in aan tusaale ku siiyo."

"Waxaad haysataa wax kasta oo aad u baahantahay, laakiin wali ma faraxsanid."

"Waxaad maalin kasta ku dadaashaa in aad lacag badan tabacdo, in aad baabuur qaali ah wadato iyo guri qaali ah adigoo farxad ka raadinaya."

Hadalkii isagoo sii wata ayuu ku daray "laakiin farxada meel qaldan ayaad ka raadineysaa sida faraantiga aan banaanka ka raadineyno. Lacagtu waa muhiim laakiin si kasta oo aad lacag u tabacdo farxad heli meysid haddii aadan qanacsanaan yeelan."

"Maanta waxaa kaa farxad badan faqiirka ku qanacsan inta uu haysto."

Readers

Image
QALPIZAM
Image
Xamda
Image
Anwar

0 comments


No comments added.

Ubax App