0

Sheeko: Qiimahaagu hoos uma dhaco

2023-12-14

Nin seminar u jeedinaya 200 qof ayaa waxa uu soo bixiyay 100 dollar isagoo dadka weydiiyay ayaa raba lacagtaan?

Dhamaantood gacanta ayay wada taageen.

Waxa uu yiri "100-kaan dollar qof idinka mid ah ayaan siinayaa, laakiin wax yar suga."

Lacagtii ayuu inta isku laabay ayuu gacantiisa ku calaanjiyay, isagoo waydiiday dadkii "yaa wali raba lacagtaan burbursan?"

Dhamaantood gacanta ayay wada taageen.

Ka dibna dhulka yuu inta ku tuuray lacagtii ayuu ku istaagay ilaa ay wasaq ka noqotay.

"Yaa wali raba lacagtaan wasaqda leh?" ayuu weydiiyay.

Dhamaantood gacanta ayay wada taageen.

Markaa ayuu ku yiri.

"Waxaan idin tusay cashar muhiim ah. Wax kasta oo aan ku sameeyay lacagta waad wada dooneysaan. Qiimaheeda marnaba hoos uma dhicin."

"Marar badan noloshu waxay ku gaarsiinaysaa wasaq iyo in aad dareento qiimo la'aan. Laakiin ogoow in wax kasta oo kugu dhaca in qiimahaaga uusan hoos u dhaceyn. Haddii dib u dhac kugu yimaado waad ka soo kabaneysaa. Haddii wasaqi ku soo gaadho waad iska dhaqeysaa. Midaa ha xasuuso waligaa."


Readers

Image
Misha
Image
Kalid

0 comments


No comments added.

Ubax App