0

Sheeko: 1009 diidmo

2023-12-10

Mareykanka waxaa ku noolaa nin oday faqiir ah oo degan guri aad u yar. Waxa bishii soo gali jidhay $99 dollar oo dowladu ay siiso.

Markii uu gaaray 65 sano ayuu go'aan ku qaatay in uu noloshiisa isbedal ku sameeyo. Waxa uu ka fikiray waxyaabaha uu ku fiicanyahay. Waxaa ku soo dhacay in uu aad ugu fiicanyahay cunto karinta, qaasatan digaaga.

Waxa uu diyaariyay digaag aad u macaan, isagoo ku wareegay maqaayadaha ku yaala gobolada mareykanka, si uu uga dhaadhiciyo in ay ka iibsadaan balse dhamaantood waa ka diideen.

In ka badan 1000 jeer ayaa lagu yidhi MAYA balse isma dhiibin. Waxa uu aaminsanaa in digaaga uu sameeyo uu yahay mid cajiib ah. Markii ay 9 maqaayadood oo kale diidmo siiyeen ayaa mid ka aqbashay in ay tijaabiyaan.

Ninkaa waxa lagu magacaabaa Colonel Sanders, hal mar oo HAA uu helay ayuu ku bedalay sida ay dadka mareykanka iyo wadamo badan oo caalamka u cunaan digaaga. Digaagii macaanaa ee kunka jeer laga diiday waxaa ka dhashay maqaayada caanka ah ee KFC.

Xikmada sheekadu waa in aadan marnaba is-dhiibin, xitaa haddii aad isleedahay noloshu waa gabogabo.


Readers

Image
Sabrin
Image
rashid
Image
Anwar

0 comments


No comments added.

Ubax App