Gabar ayaa aabaheed u raacay xadiiqada xayawaanka. Waxay arkeen labo daanyeer oo si qurxoon jaceyl u jilaya. Gabadhii aya tiri "Aabe fiiri waa lamaane qurux badan."
Ka dibna waxay arkeen libaax lamaane ah oo ay ku muuqato kala fogaasho iyo ad adeyg. Gabadhii ayaa tiri "Aabe fiiri ileen lubaaxu jaceyl ma yaqaano."
Aabihii ayaa inta dhagax dhulka soo qaaday ku yiri gabadha dhagaxaan ku tuur libaaxa. Markii ay dhagaxa ku tuurtay ayaa libaaxii ninka ahaa ku soo orday isagoo xanaaqsan si uu u difaaco naagtiisa.
Ka dibna waxa uu ku yiri ku tuur dhagaxaan daanyeerada. Markay ku tuurtay ayuu daanyeerkii ninka ahaa ka cararay naagtiisa.
Aabihii ayaa ku yiri "gabadheydii haku sirman waxa aad u aragto jaceylka ee ah keliya muuqaalka. Inta badan jaceylka ugu qiimaha badan waa midka aysan dadku arkin."