0

Gabadhii ninkeeda u doortay xaas kale

2024-08-08

Cabdisalam iyo Marwo waxay ahaayeen lamaane aad isu jecel oo isku faraxan. Cabdisalam waxa uu ahaa nin daacad u ah xaaskiisa oo aan dumar kale damac ka galin.

Marwo iyo Cabdisalam waxay ahaayeen lamaane jecel in ay caruur yeeshaan balse nasiib daro uma suurto galin Marwo in ay uur yeelato. Dhaqtar walba uu la tagay laakiin waxaa loo sheegay in aysan Marwo uur yeelan karin.

Cabdisalam waxa uu ka balan qaaday Marwo in uusan xaas kale damac ka galayn. Sidoo kale Marwo waxay ahayd qof aad u maseyr badan oo aan xaas kale la maqashiin karin.

Waxay kula kaftami jirtay "Haddii damac kaa galo naag kale waa in aad aniga i furtaa."

Maalin ayay Marwo ku tiri "Gacaliye waxaan rabaa in aad xaas kale guursato."

Cabdisalam oo la yaaban hadalka xaaskiisa oo is leh waa shirqool yaa ku yiri "Xaas kale maxaan ku falayaa inta aad adiga joogto."

Marwo ayaa ku celisay "Maya gacaliye waa iga daacad, laakiin hal shuruud, waa in ay noqotaa mid aan aniga kuu keenay."

Ninkii oo la yaaban hadalka ayaa ku yiri "oo maxaa kugu dhaliyay fikirkaan?"

Waxay ugu jawaabtay "Waxaan dareemay in aad farxadeyda ka hormarisay farxadaada."

"Waxaad ii samirtay afar sano adiga oo aan nag kale ka fikirin. Maxaa diidaya in aad reer kale yeelato adigoo aniga i jecel."

Cabdisalam ayaa ku yiri "wixii adiga aad ii go'aamiso diidi maayo gacaliso."

Marwo ayaa bilowday in ay online gabdho badan kala xiriirto iyadoo iska dhigeysa in ay tahay Cabdisalam. 

Waxay soo shukaamisay gabdho badan, iyadoo markii sheekada ay dheeraato u sheegta in ay tahay xaaska Cabdisalam oo ay isaga u dooneyso xaas kale. 

Gabar walba oo ay runta u sheegto hore ayay ka carartaa. Ilaa ugu dambeyn ay la hadashay Malyun. 

Gabadhaan oo ahayd mid guur doon daacad ah ayaa ugu horeyn la yaabtay sheekada balse ka aqbashay in ay jaanis siiso. 

Marwo ayaa markii ay la sheekeysatay Malyuun dhowr isbuuc waxay ku balamisay in ay kulmaan labadooda keliya. 

Markii ay kulmeen oo saacado ay sheekeysteen ayay dareemeen in ay noqon karaan saaxiibo qaali ah. Sheekada ayaa isugu baxday oo makala caajisin. 

Marwo oo farxad iyo murugo dareemeya ayaa habeenkii u sheegtay Cabdisalam in ay u soo heshay gabadh. Waxay u sheegtay in ay u balamisay oo uu la kulmayo Khamiista. 

Cabdisalaam oo ahaa nin aad uga dambeeya Marwo ayaa aqbalay in uu date la aado Malyuun. 

Markii uu la kulmay aad buu ugu qancay gabadha dabeecadeeda iyo quruxdeeda. Labo bilood ka dib ayay is guursadeen iyadoo ay garab taagan tahay Marwo. 


Readers

Image
juweria
Image
Kalid
Image
Anush ci
Image
QALPIZAM
Image
Raxmo
Image
Sabrin
Image
Misha
Image
Mabsuud
Image
Malyuun
Image
RAMLA
Image
Mins
Image
Simoon
Image
Aisha
Image
Mukhtaar
Image
Nasrudin
Image
Khadiir
Image
Ahmed
Image
Mohamed
Image
Intifaac
Image
Asma mah
Image
Abdishak
Image
Rolex
Image
Abdi Asi
Image
Anita k
Image
Jemmy
Image
Baari
Image
Degan in
Image
Shaymaa
Image
Hassan H
Image
Qaali

0 comments


No comments added.

Ubax App