0

Sheeko: Dadka degdeg haku xukmin

2023-12-10

Aabe iyo wiilkiisa oo 24 sano jir ah ayaa tareen wada saarnaa. Wiilka ayaa daaqada ka daawanaya deegaanka, isagoo ku qeyliyay, "Aabe fiiri geeduhu dhaqsi bey nagu dhaafayaan."

Aabaha wuu dhoolacadeeyay, halka lamaane gadaalkooda fadhiya ay si cajiib ah u ula yaabeen wiilka weyn soo sida doqonimada u hadlaya.

Wiilkii ayaa hadana ku qeyliyay, "Aabe fiiri duruuruhu way nala socdaan."

Lamaanihii ayaa inta adkeysan waayay waxay odeygii ku yiraahdeen, wiilkaaga miyuu xanuunsanyahay? Maad hospital geysid?

Odeygii ayaa inta dhool-cadeeyay ugu jawaabay, "Waa geeyay oo hada ayaan hospitaalka ka soconaa. Wiilkeyga indhoole ayuu ku dhashay oo maanta ayaa indhaha loo fiiqay."

Lamaanihii ayaa inta is ceebsaday raali galin bixiyay.

Xikmada sheekadu waa in aan lagu degdegin in dadka la xukmiyo. Ma ogid qofka taariikhdiisa iyo xaalada uu ku jiro.


Readers

Image
Kalid
Image
Pheno
Image
rashid

0 comments


No comments added.

Ubax App