0

Sida xaaskaaga/ninkaaga loola dagaalo

2024-02-25

Dhamaan lamaanahu waa is dagaalaan, waa murmaan, waa la is qabsadaa, oo xitaa mararka qaar dagaalku waxa uu xoojiyaa xiriirka.

Laakiin haddii aad is dagaaleysaan, xasuuso arimahaan:

1. Horta is deji - Inta aadan afka iska furan is deji oo erayo miisaamaan ku hadal. Ha iska tuuray erayo dhaawac leh oo aad ka shalaayi doonto.

2. Ka hadal dareenkaaga - ee ka hadlin eedeynta qofka kale. Ha dhihin saasaa tahay iyo saasaa sameysay. Ee dheh sidaas ayaan dareemayaa iwm.

3. Ka dheeroow dagaal shaqsiyadeed - Ha afka la gaadeeyn qofka, ha caayin, hana dhihin erayo shaqsiyada weeraraya.

4. Xoogga saar waxa la isku hayo - U sheeg dareenkaaga, waxyaabaha aad dhibsatay iyo sida lagu xalin karo.

5. Dhageysiga ka badi hadalka - Marka la murmarayo qofkasta waxa uu jecelyahay in uu hadlo, laakiin dhageysiga ayaa ah sida keliya ee aad ku fahmi karto dareenka qofka kale.

6. Isbedal ku samee qaab hadalkaaga - Lamaanuhu marka ay is dagaalaan waxaa caado ah in eedo hore miiska la keeno. Isku day in aad wax ka badasho erayada aad isticmaasho. Ku hadal erayo naxariis leh. 

7. Haka cabsan dagaalka  - Lamaane badan ayaa iyaga oo isku ciilqaba hadana kala aamusan. Dagaalka oo aad iska ilaaliso ayaa ka dhibaato badan in aad murantaan.

8. Gasho kabaha qofka kale - Isku day in aad qiyaasto dareenka qofka kale iyo in aad fahanto sababta keentay xanaaqooda.

9. Hanjabaad iska ilaali - Waligaa ha sameynin hanjabaad iyo waa kaa tagayaa, haddii saas iyo saas aysan dhicin.

10. Waligaa gacan ha qaadin - Haddii arintu gacan tagto xaaladu waa dhaaftay in xal loo helo. Gacan qaad iyo aflagaado waligaa ha u dhawaan. 

Readers

Image
Axmee
Image
Adar
Image
Jamaal
Image
Shu
Image
Hodan
Image
Selma
Image
Said
Image
Muna
Image
Haawa bi
Image
Omar
Image
Anisa
Image
Mustafe
Image
Shamso
Image
Degan
Image
Yahye
Image
Hargeisa
Image
Ifrh
Image
Mohamed
Image
Zuldaan
Image
Deeqa

0 comments


No comments added.

Ubax App