0

6 erayo amaan ah oo aad gabdhaha ku soo jiidan karto

2023-12-24

Dadka oo dhan in la amaano way jecelyihiin. Haddii aad dooneyso in aad kasbato qof amaanta ayaa loo badiyaa. Dumarku qaasatan way jecelyihiin in lagu yiraahdo erayo macaan oo amaan ah. Isticmaalka erayadaan macaan waxaad ku kasban kartaa jaceyl cusub ama waxaad ku siyaadin kartaa mid kaala dhexeeya xaaskaagaa.

Waad nuureysa/iftiimaysaa

Dumarku waa jecelyihiin in la xasuusiyo quruxdooda. Waliba waxay jecleyihiin ninka si gaar ah ula socda marka ay si fiican u soo labistaan ama isku soo qurxiyaan. Balse waxaa muhiim ah in aad ka taxadarto amaanta jirka/muuqaalka dumarka, iyadoo laga yaabo in ay u qaataan si kale. Erayada waad nuuraysaa, masha Allah iwm ayaad ku oron kartaa adiga oo aan saa'id uga hadlin jirkeeda iyo muuqaalkeeda.

Waan kaa faa'idaa

Dadka oo dhan waxay jecelyihiin in ay kuwa kale wax u faa'ideeyaan. Dumarku way jecelyihiin in ay dareemaan in aad qiimenayso fikradooda iyo aqoontooda. Haka hakran amaanta oo u sheeg in aad ka faa'iday sheekadeeda. In aad wax ka baratay dhageysigeeda. Waxay u badantahay in ay ku aamini doonto oo si furan ay kuula sheekaysan doonto. 

Indhahaaga/dhoolo cadeyntaada waan ka helaa

Haddii aad ku dhahdo gabadha waad qurxoontahay waxaa laga yaabaa in ay iswaydiiso, qaasatan muxuu la dhacsanyahay oo jirkeeda ah. Haddii aad la dhacsantahay indhaheeda, ama dhoolo-cadeynteeda u sheeg si qaas ah in aad kuwaas uga hesho. Waxay muujinaysaa in aadan erayada iska dhahayn balse aad si gaar ah uga heshay qeybaha jirkeeda. Balse sidaan kor ku soo sheegnay ka fogoow in aad comment ka bixiso jirkeeda kale, qaasatan doolaha, naasaha iyo kuwa lala xiriiriyo galmada. Waa haddii iinan is-qabin.

Waa dadaal badantahay ama hammi ayaad leedahay

U sheeg in ay ku wanaagsantahay shaqadeeda ama waxbarashada. Xasuusi in ay hammi leedahay oo aad qaasatan la dhacsantahay arintaas. Dumarku aad ayay u qiimeeyaan ninka aan keliya ka fikirin naftiisa iyo sariirta balse ka fikiraya horumarkooda iyo hammigooda. Waxaa hubaal ah in ay kula dhici doonto. 

Waxaan dareemaa farxad markaan kula joogo

Qofkasta waa jecelyahay in la qiimeeyo. U sheeg gabadha in aad dareento farxad marka aad waqti la qaadanayso. Qaasatan haddii aad tihiin dad muddo dheer wada socday ama is-qabay waxaa laga yaabaa in xiisihii meesha ka baxay. Erayada nuucaan ah waxay xasuus u noqonayaan jaceylkiina oo waliba kalsoonida ayay siyaadinayaan. Waxay sidoo kale niyada u dhisayaan gacalisadaada oo dareemaysa farxad iyo muhiimad in ay agtaada ku leedahay.

Waa shidantahay

Haddii aad is-qabtaan waxaa muhiim ah in aad xasuusiyo gacalisadaada in aad u aragto in ay qurxoontahay qaasatan jirkeeda. Markasta amaantaan ha isticmaalin balse qaasatan marka aad doonayso in aad dareenkeeda kiciso iyo ka hor galmada. U sheeg in ay shidantahay oo aad is-celin la'dahay markaad aragto quruxdeeda iwm.


Readers

Image
Liban Ge
Image
Kalid
Image
Yasmin
Image
Aweis Fa
Image
Ikraam
Image
Faruk
Image
Khalif
Image
Xuriyo m
Image
Sharmake
Image
Roo
Image
Yahye
Image
Abdi
Image
Qaali
Image
Abdaam
Image
Mostaphe
Image
Boqor sp

0 comments


No comments added.

Ubax App