0

Gabadhii xanka badneyd maxaa ku dhacay

2024-05-31

Gabar ayaa been badan ka faafisay gabar kale oo dagaal ka dhexeeyay. Gabadhii xanka laga faafiyay ayaa maxkamada ku dacweysay midii kale.

Markii maxkamada la isugu yimid oo lagu cadeeyay gabadhii dambiga ay gashay ayay ku tiri xaakimka "Mudane hadalada aan ka sheegay wax weyn ma ahayn oo wax dhibaato ah uma geysan iyada."

Xaakimkii ayaa ku yiri "waxaad warqado ku qortaa hadalada aad ka faafisay gabadhaan."

Markii ay toban warqadood ku qortay ayuu ku yiri "Iska bax oo marka aad mareyso wadada dhexdeeda waxaad daadisaa warqadaha."

Isagoo sidoo kale ku amray in ay maxkamada ku soo noqoto berito.

Markii ay soo laabatay berito ayuu ku yiri xaakimka "waxaan kaa doonayaa in aad wadada tagto oo aad soo ururiso warqadihii aad shalay ku daadisay."

Gabadhii ayaa ku jawaabtay "mudane taasi suurto gal maaha oo warqadihii dabaysha ayaa qaaday xalay."

Xaakimka ayaa ku yiri "adiguna hadalada beenta ah oo aad ka faafisay gabadha kale waa sida warqadaha aad wadada ku daadisay."


Readers

Image
Guled
Image
Hodan
Image
Youssouf
Image
Abdiphat
Image
Said
Image
mohamed
Image
Mohamed
Image
Salma mo
Image
Deeqo ah
Image
Ahmed
Image
Muniish
Image
Hayat Al
Image
Wll
Image
Kowthar
Image
Ismail M
Image
Saara
Image
Phayruuz
Image
Mohamed
Image
faham
Image
Muscab M
Image
Suldan
Image
Aadan mo
Image
Axlaam
Image
Khadar
Image
Fu,aad
Image
Zaki
Image
Muztaphe
Image
Caaqil Y
Image
AMIIN
Image
Eng yasi
Image
Yuusuf
Image
Cabdulla
Image
Hanuush

0 comments


No comments added.

Ubax App