0

Wiilkii aabihiis ku qeyliyay

2024-02-13

Oday waayeel ah ayaa waqti la qaadanayay wiilkiisa oo 30 sano jir ah. Odayga ayaa waxaa dhabta u saarnaa buugiisa xasuus qorka oo uu akhrisanayay. Wiilka ayaa shaqo ka daahsanaa oo waxaa ku jiray degdeg.

Iyagoo sheekeysanaya ayaa daaqada waxaa soo fuulay shimbir. Odaygii ayaa waydiiyay wiilka "Kani waa maxay aabe?", wiilka ayaa ugu jawaabay "Waa shimbir." Markale ayuu ku soo celiyay odaygii. Hadana wiilkii waxa uu ku jawaabay "Waa shimbir."

Markii sadexaad ayuu wiilkii inta xanaaqay ku qayliyay "WAA SHIMBIR, maxaad maanta oo dhan iigu soo celcelinaysaa su'aasha macno darada ah."

Odaygii ayaa wiilkiisa ku yiri "qabo buugaan oo akhri bogga aan akhrinaayay marka aad ii timid."

Wiilkii ayaa boggii furay isagoo akhriyay qoraalkii ku qornaa oo sidaan ahaa "Maanta oo taariikhdu tahay April 4, 1990 aniga oo waqti la qaadanaya wiilkeyga oo 4 sano jir ah ayaa waxaa daaqada soo istaagay shimbir. "

"16 goor ayuu i waydiiday waxa uu yahay xayawaanka, anigoo ugu jawaabay WAA SHIMBIR 16 goor ilaa uu ka daalay."

Wiilkii ayaa ilin ka soo daadatay in uu aabihiis u adkeysan waayay 3 goor oo keliya, halka isagu 16 goor uusan marnaba dhibsan. 

Waalidku marka ay waayeel noqdaan waxay kaa mudanyihiin daryeel iyo dulqaad. Inta ay kuu soo dulqaateen markii aad yareyd waligaa ma gudi kartid. 

Waligaa ha dhibsanin waalidkaa. 

Readers

Image
Mabsuud
Image
rashid
Image
Apdilahi
Image
Mudathir
Image
Ciise
Image
Daaa

0 comments


No comments added.

Ubax App