99

Sheeko: Soo naag ma tihid?

2024-02-06

Gabar xaas ah oo gurikeeda iska joogto ayaa qof albaabka ku soo garaacay. Markii ay furtay ayay aragtay nin aysan aqoon. Ninkii ayaa waydiiyay "Soo naag ma tihid?" Gabadhii su'aasha ninka ayay la yaabtay, "Maxaa ka wadaa?" ayay waydiisay. Ninkii suaashii ayuu markale ku soo celiyay. Intay xanaaqday ayay albaabka ku xirtay.

Maalintii ku xigtay ayuu hadana albaabka ku soo garaacay, isagoo waydiiyay isla su'aashii. Sidii ayay iyaduna albaabka ugu xirtay.

Habeenkii ayay ninkeeda marka uu shaqada ka yimid u sheegtay dhacdada. Ninkeeda ayaa u sheegay in uu barito shaqada fasax ka qaadanayo si uu ula joogo.

Subaxii ayaa sidii oo kale ninkii soo garaacay albaabka. Gabadha ninkeeda ayaa ku yiri albaabka ka fur, ka dibna su'aasha waxaa uga jawaabtaa "Haa. Waxaan rabaa in aan ogaado waxa uu ula jeedo su'aasha."

Isagoo albaabka dhinaciisa isku qariyay.

"Soo naag ma tihid?" ayuu waydiiyay ninkii sidii caadada ahayd.

Si degan ayay ugu jawaabtay "Haa."

Markaasuu ugu jawaabtay "Hagaag, u sheeg ninkaaga in ay u joogto naag, oo uu faraha ka qaado naagteyda."

Ka dib maxaa dhacay ayaad is leedahay?

Readers

Image
Misha
Image
Mabsuud
Image
Anfac
Image
Yahye
Image
Abdifata
Image
Omar Abd
Image
Hanad

Menu

About Ubax


Play quizzes
Blog posts
Contact us
Privacy Policy


Login or create a profile

Become VIP

Noqo VIP Member oo hel faa'idooyinka hoose

Toos u arag nambarka Whatsapp
Isticmaal Ubax App xaddidaad la'aan
Maalin kasta waxaad diri kartaa 20 rose
Rose aad dirto aqbalaadu waa automatic
Qarsoodi ku isticmaal Ubax app
Waxaad arki kartaa xubnaha online ah
Fariimo aan xad lahayn u dir xubnaha kale
Calaamada VIP ayaa profilekaaga la saarayaa.