Dadka horumraka gaaray waxay leeyihiin dabeecado ka duwan dadka kale, kuwaasoo qeyb weyn ka sababaha ay guusha ku gaareen. Haddii aad dooneyso in aad dadka wax dheeraato waa in aad la timaadaa dabeecadahaan qaar ka mid ah:
1. Subaxa hore ayay gacaan
Qoraxdu kuma soo baxdo iyagoo jiifa
2. Jirkooda ayay nafaqeeyaan
Cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah ayay sameeyaan.
3. Waqtigooda ayay ilaaliyan
Waqtigooda aad bey u qiimeyaan oo meel macno daro uma fariistaan.
4. Dhageysiga ayay badiyaan
Inta ay hadlaan waxaa ka badan inta ay aamusanyihiin.
5. Waa mahadnaq badanyihiin
Ilaahey iyo dadka ayay u mahadceliyaan.
6. Saaxiibo wanaagsan ayay leeyihiin
Waxay isku hareereeyaan dad hore u socodsiinaya.
7. Ficil ayay sameeyaan
Iskama riyoodaan ee fikradahooda waa ka mira dhaliyaan.
8. Dhinac wanaagsan ayay u fikiraan
Haddii wax hagaagi waayaan si positive ayay u fikiraan.
9. Caawimaadooda ayaa badan
Dadka kale ayay wax u qabtaan.
10. Wax akhrista ayay badiyaan
Maskaxdooda ayay ku nafaqeeyaan aqoon.