0

Waa maxay sababta ninka Instagram leh uusan online u soo dhigin sawirada caruurtiisa?

2024-01-08

Ma ogtahay in milkiilaha Facebook iyo Instagram, ninka lagu magacaabo Mark Zuckerberg uusan soo dhigin wajiyada caruurtiisa online? Waa maxay sababtu? Waayo waxa uu ka walwalsanyahay mustaqbalka iyo sida isbedalka teknoolojiyada uu saameyn ugu yeelan karo caruurtiisa.

Sidoo kale waxay ka tahay xushmad uu u hayo caruurtiisa oo uusan dooneyn in maadaama aysan ogolaansho bixin karin uusan dhigin sawiradooda, oo laga yaabo in ay ku caayaan caruurta kale.

Sidoo kale waxay cashar u tahay caruurta laftooda in aysan iyaguna soo dhigin sawiradooda iyo sawirada asxaabtooda iyaga oo aan loo fasixin.

Ka taxadar in aad caruurtaada soo dhigto online. Ma kula haboontahay in kumanaan ama malaayiin qof oo aan qoyskaaga shaqo ku lahayn in ay ka faaloodaan caruurtaada?

Haddii aad tihiin lamaane cusub, ka wada hadla oo ku heshiiya in sawirada iyo muuqalada aad soo dhigtaan online aad ka saartaan kuwa caruurta.


Readers

Image
NaJma
Image
Hodan
Image
Shamso
Image
C/raxmaa
Image
Abdirahm
Image
Naaniyo
Image
Qaali
Image
Hanad
Image
Zuldaan

0 comments


No comments added.

Ubax App