0

Waligaa qofkaan hala macaamilin

2023-12-26

Dabeecadaha dadka waxaa ku jiro kuwo aad maalin walba dhibsato, laakiin hadana loo dulqaadan karo. Balse waxaa jira hal qof oo dabeecadiisu ay tahay sun.

Waa qofka asagu iska dhiga dhibanaha marka uu xumaan geysto. Oo isagu kaa dalbanaya in aad raali galin siiyo ama adiga kugu eedeeya dhibkii iyo xumaantii uu isagu kuu geystay.

Qofka nuucaas waa mid jecel in uu game ku ciyaaro maskaxda dadka kale, isla markaana ka faa'ideysto wanaagooda.

Calamaadaha qofkaas waxaa ugu cad in uusan qaadan masuuliyada xumaanta uu sameeyo, waa qof cuqdadle ah, ma sheegan karaan dareenkiisa balse waxay yaqaanaan sida dadka loo eedeeyo keliya.

Waxay iska dhigaan sida qof aan awood lahayn oo dhib lagu sameeyay balse hoos ka ciyaaraya game. Waxaa qofkaas ku yar aaminaada dadka kale. Waa qof muran badna laakiin marnaba aan laga gar helin.

Qofka nuucaana waa adagtahay in saaxiib lala noqdo ama xiriir lala yeesho. Haddii uu jiro qof aad ku aragtay calaamahaan oo rajo ay kaaga jidho in aad mustaqbal la yeelato, ka carar intaa jaanis haysato.


Readers

Image
Degan in
Image
Apdiwaha
Image
Aasiya
Image
Sacdia
Image
Yahye
Image
Xamda
Image
Osama
Image
Dek Haaj
Image
Ahmed
Image
Hassan
Image
Hafsa
Image
Abdaam

0 comments


No comments added.

Ubax App