99

Sababahaan ayay lamaanuhu isku qiyaamaan

2023-12-20

Haddii uu ku qiyaanay saaxiibkaa, seygaaga ama ay ku qiyaantay saaxiibtaa ama xaaskaaga waxaa laga yaabaa in aad is-waydiiso sababta? Iyadoo marar badan ay dhacdo, in qaasatan dumarku ay iyagu is eedeeyaan oo ay hoos u dhacdo kalsoonida ay ku qabaan naftooda.

1. Baahi aan la buuxin

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in sababta ay lamaanuhu isku qiyaanaan ay tahay mid ku salaysan baahi. Waxaa la ogaaday in sababta qof uu qiyaano u sameeyo ay tahay isaga oo dareemay in baahidiisa aan la daboolin. Baahidu waxay noqon kartaa mid jaceyl, dareen ama galmo. Marka qofku bani'aadamka ah uu waayo cid qancisa baahidiisa waxaa uu raadiyaa cid kale oo baahidaa ka daboosha.

Marka ay timaado xiriirka lamaanaha, waxaa dhacda in haddii seygaaga ama xaaskaaga ay waydo dareenka jaceyl ama jismi ee ay u baahantahay, in laga yaabo in ay dad kale xiriir la sameyso. Qofka bani'aadamka ah waxa uu u baahanyahay qof dareensiiyo in isaga baahi loo qabo, in la jecelyahay, in uu muhiiim yahay. 

2. Wada-hadal la'aan

Waliba xaaladaan waxaa sii adkeeya marka aysan lamaanuhu ka wada hadlin xiriirkooda iyo xaalidiisa. Marka ay dhacdo in aan la wada hadlin, waxaa dhacaysa in xaaskaaga ama seygaaga uu la hadlayo qof kale, oo uu kala hadlayo xaaladiisa iyo baahida ka maqan. Haddii laakiin aad wadahadal ka yeelataan arintaan waxaa dhaci karta in aad xal raadisaan. 

3. Kala fogaasho

Sidoo kale qiyaanada waxaa keeni kara kala fogaashaha. Haddii labadiina aynan isku meel ku nooleyn waxaa dhacaysa in baahida aan kor ku xusnay ay sii kordheyso. Waliba waxaa la cadeeyay in qofka mar qiyaana sameeya in ay u badantahay in uu markale ku celiyo.

Hadaba haddii aad dooneyso in aad iska ilaaliso qiyaanada, waxaa muhiim ah in aad ka fikirto baahida uu kuu qabo seygaaga ama xaaskaaga ay kuu qabto. Baahidaas oo aad buuxiso waxay xaqiijinaysaa amaanka xiriirkiina.


Readers

Image
Maanka c
Image
Najma
Image
Apdiwaha
Image
Dajiya
Image
Maxamed
Image
Mohamed
Image
Fatuma
Image
Mahamed
Image
Ahmed
Image
Apdirahm

Menu

About Ubax


Play quizzes
Blog posts
Contact us
Privacy Policy


Login or create a profile

Become VIP

Noqo VIP Member oo hel faa'idooyinka hoose

Toos u arag nambarka Whatsapp
Isticmaal Ubax App xaddidaad la'aan
Maalin kasta waxaad diri kartaa 20 rose
Rose aad dirto aqbalaadu waa automatic
Qarsoodi ku isticmaal Ubax app
Waxaad arki kartaa xubnaha online ah
Fariimo aan xad lahayn u dir xubnaha kale
Calaamada VIP ayaa profilekaaga la saarayaa.