0

Haddii xiriirkii dhamaaday iska ilaali ficiladaan

2024-0-01

Qofkii waa kala harteen laakiin wali kama sabri kartid? Ficiladaan waxay kugu sii kordhinayaan qalbi jab iyo in aad ka daba cararto qof aan ku rabin.

1. Qofkii aad kala harteen in aad social media ka fiiriso

Iska ilaali in aad dan siiso in aad ogaato qofkii kaa tagay waxyaabaha uu online soo dhigayo iyo xaaladiisa.

Qasab maaha in aad block saarto, laakiin ha isku mashquulin hawlahooda. Wixii chat idinka dhexeeyay delete iska dheh, mute iska saar nambarkooda, unfollow dheh oo danahaaga raaco.

2. Waligaa comment ama like ha saarin waxyaabaha uu soo dhigo

Qofka aad kala harteen ha u muujin in aad baahi u qabto adigoo like iyo comment saaraya waxyaabaha ay soo dhigaan online.

3. Ha ku noqon sawiradii iyo qoraaladii hore

Yoolkaagu waa in aad hore u socoto oo qofka aad iska hilmaamto. Ha sameynin in aad dib u milicsato sawiradii aad wadagasheen iyo qoraaladii aad isu dirteen. Ka soco!

4. Haka cabaadin online

Dadka qaar marka ay qof kala haraan waxay bilaabaan in ay online soo dhigaan muuqaalo, sawiro iyo qoraalo ay ku muujinayaan in aysan dad u baahneyn ama ay naftooda ku dhiirigalinayaan. Waxaa laga yaabaa in aad isleedahay ha aragto qofkii ama ha arko ninkii. Ha sameynin qaladkaan. Laftiisu waxa uu muujinayaa baahi iyo in aad daciif tahay.

5. In aad is dhahdo ka maseyrsii

Dad waxaa jira marka laga tago isla markiiba isku dhajiya qof kale si ay uga maseyrsiiyaan qofkii ay kala tageen. Ha sameynin midaas oo haku degdegin xiriir cusub ama qof kale in aad been u sheegto adoo is leh kii hore ka maseyrsii.


Readers

Image
Asiya
Image
Faxsan
Image
Najma
Image
Hodan
Image
Sihaam
Image
Sacdia
Image
Yahye
Image
Anisa
Image
Roo
Image
Fahadjei
Image
Shamso
Image
Qaali
Image
Abdaam

0 comments


No comments added.

Ubax App