0

8 wado oo lagu helo fikrad ganacsi

2023-12-19

Dad badan ayaa aaminsan in ay adagtahay in fikrad ganacsi lala yimaado. Laakiin xaqiiqada ayaa ah haddii aad barato wadooyinka loo maro curinta fikradaha ganacsiga in aysan sidaa u adkeyn. Waxa adag waa in aad leedahay hammiga iyo dhiirigalinta loo baahanyahay in fikrad lagu hawl-galiyo oo guul laga gaaro.

Hadda si aad firkad ganacsi u hesho waxaad sameyn kartaa arimaha soo socda:

Xooga saar dhibaatooyinka haysta adiga iyo bulshadaada

Fikradaha ganacsiga kuwa ugu saameynta fiican waa kuwa xaliya dhibaatooyinka shaqsiga abuuray iyo bulshadiisa haysta. Waxaa laga yaabaa in xaafadaada aysan ku oolin foorno rootiga laga iibsado oo aad u baahatay meel aad rooti ka iibsato. Waxaa laga yaabaa in ay jiraan dada kale oo iyaguna u baahan rooti. Sidaa ayaad ku abuuri kartaa foorno rootiga laga iibsado. Ama waxaa laga yaabaa in aad dhibaato ku qabto gaadiidka dadweynaha oo aad abuurto adeeg gaadiid bas oo casri ah.

Muhiimadu waa in aad dib u eegto horta maxay yihiin caqabadaha adiga kula soo darsa maalin kasta? kuwee ugu waaweyn? yay kale oo haystaan? ganacsi ma laga sameyn karaa? U samee liis dhamaan waxyaabaha aad dhibsato oo xalka u baahan. Dhamaantood waxaa ku jira fikrado ganacsi.

Is waydii: Maxaa cusub?

Fikradaha ganacsiyada ugu guusha badan waa kuwo ka horeeya waxa hada jira oo soo kordhiya wax cusub. Raadi teknoolojiyadaha cusub, alaabaha cusub, fikradaha cusub ee ka jira wadamada kale. Sanad kasta waxaa soo baxa waxyaabo cusub, sidee uga faa'ideysan kartaa? sidee u keeni kartaa meesha aad joogto? Waxaad eegi kartaa qeybo qaas ah, sida electronics, dhismaha, gaadiidka, alaabta guryaha, iwm. Liis garee alaab ama aalado cusub oo ay ka faa'ideysan karaan bulshadaada? Ma awoodaan qiimaha? Ma anfacayaan?

Meel hoose wax ka eeg?

Qasab ma ahan in aad la timaado fikrad ganacsi oo aad u balaaran. Mararka qaar waxaad wax ka eegi kartaa meel aysan dadka kale wax ka eegin ama shirkadaha waaweyn aysan ku mashquulsanayn. Tusaale, maqaayadaha wadanka ku yaala waxay u badanyihiin kuwo hilib lagu kariyo. Ka waran haddii aad furato mid qudaarta keliya lagu iibiyo? Ka waran haddii aad furato dukaan lagu iibiyo dharka dumarku hoos ka xirtaan oo keliya? Ama ka waran dadka cayilan dharkooda? Muhiimadu waa in aad raadiso baahida yaryar ee aan la daboolin. In aad eegto ganacsiyada waaweyn iyo macaamiisha ay hilmaameen?

Xirfadaada isticmaal

Marka aad ka fikirayso in aad ganacsi yeelato, su'aasha ugu muhiimsan ee aad iswaydiinayso waa in ay noqotaa: maxaan xirfad u leeyahay? Ma ahan keliya waxyaabaha aad baratay balse dhamaan waxaad qaban karto. Ka fikir dhamaan hawlaha aad ku qaban karto xirfadaada. Tusaale, haddii aad taqaano sida harqaanka loo isticmaalo, waxaa laga yaabaa in aad furan karto ganacsi dharka sameeya. Haddii aad cunto karinta ku wanaagsantahay in aad maqaaxi furan karto. Haddii aad tahay qof Accounting bartay oo qatar ku ah, in aad bixiso adeega xisaabinta oo shirkadaha u samayso. Samee liis dhamaan xirfadahaaga dhamaantood.

Raadi ganacsiyada duqoobay

Waxaa jira ganacsiyo aan wax cusub soo kordhin mudo dheer, macaamiishuna aysan ka war qabin horumarka ka socda aduunka. Waxaad sameyn kartaa in aad daraasad ku sameyso ganacsiyada waaweyn ee aan waxba soo kordhin oo aad raadiso haddii uu jiro qaab horumar cusub loogu soo kordhin karo suuqa ay haystaan. Waxaad fahantaa caalwaa ay macaamiishu ku qabaan iyo su'aalaha ay is waydiiyaan.

Keen ama samee alaab ka raqiisan mida jira

Inkastoo ganacsi qiimaha keliya kaga duwan kuwa kale uusan ahayn mid sal adag ku fadhiya, laakiin haddii aad awoodo in aad qiimo hoose ku keento alaab qaali ah ama adeeg, waxay ka midtahay wadooyinka ugu fudud ee suuqa aad ku gali karto. Laakiin waxaa muhiim ah in aad leedahay istiraatijayadii aad suuqa ku joogi lahayd oo dhaafsan qiimaha keliya. Sida in aad adeeg macaamiil wanaagsan aad bixiso. Tusaale, haddii aad keento moobeelo raqiis ah, hadana aad ku darto guarantee ama cilad bixin waa mid soo jiidasho leh.

Baaritaan ku samee waxa dadka ka maqan

Wado kale oo aad kula imaan karto fikrad ganacsi oo miro dhal ah waa in aad daraasad ku samayso baahida dadka. Tusaale, haddii aad xiisayso cuntada, waxaad baaritaan ku samayn kartaa baahida macaamiisha, qaabka ay u adeegtaan, cabashooyinkooda. Halkaasi waxaa kaaga soo bixi kara macluumaad fadhiya oo muujinaya dadka wax ka maqan, adigoo waliba og cida u baahan iyo meesha laga helo.

Fikradaha internetka ka shaqeeya

Internetka waxaa ka shaqeeya fikrado badan. Waxaad baaritaan ku sameysaa in ay suurto gal tahay in aad abuuri karto ganacsiyada ka jira wadanka ama wadamo kale oo online ah. E-commerce waa ka qarash yaryahay abuuristiisu ganacsi xarun leh.


Readers

Image
Najma
Image
Kalid
Image
Abdikani
Image
Mohamed
Image
sundus d
Image
Mohamed
Image
NAJIIB
Image
Abdaam

0 comments


No comments added.

Ubax App