0

10 sirood oo aad ku korin karto caruur caqli badan oo karti leh

2023-12-20

1. Wax u akhri

U akhri sheekooyin marka ay yaryihiin, akhrisku waxa uu ka caawinayaa in ay kobacdo maskaxdooda, hal-abuurkooda iyo luuqada. Marka ay weynaadaan iyaga adiga hakuu akhriyaan.

2. Ciyaarta u fasax

Waqti u sii caruurta in ay ciyaaraan adiga oo aan ku kontoroolin sida ay u ciyaarayaan. Ciyaartu waxay caruurta ka caawisaa in ay hal-abuur yeeshaan.

3. Rafaadka u ogoloow

Haddii aad aragto caruurtaada oo dhib ku qaba in ay xaliyaan caqabad, degdeg haka caawin, ee waqti u sii iyagu ay ku xaliyaan. Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in fashilku iyo caqabadaha ay yihiin wadada ugu fiican ee wax lagu barto.

4. Jimicsi sii

Socodka, orodka iyo buuro fuulka keliya ma caawiyo caafimaadka jirka ee waxa uu soo sidoo kale dhisaa maskaxda.

5. Waqti la qaado

Caruurtaada waqti la qaado, haddii aad waalid mashquul ah tahay, ugu yaraan cashada la cun.

6. Waqti hore seexi

Caruurta sida fiican u seexata habeenkii waxaa la ogaaday in ay iskuulka kaga fiican yihiin kuwa kale. Caruurta aan iskuulka gaarin waxay u baahanyihiin 9-12 saacadood, kuwa ilaa dugsi sare dhigta ay u baahanyihiin 8-10 saacadood.

7. Hawl u yeel

Marka aysan iskuulka jirin caruurta hawl u samee, hakaa caawiyeen shaqada guriga ama shaqooyinka kale. Waxay ku baranayaan masuuliyada iyo wax-qabadka.

8. Maskaxdooda mashquuli

Caruurta ha ciyaareen ciyaaraha maskaxdooda mashquulin kara oo caqli u kordhin kara, sida puzzle ama jeeska.

9. Hobby u samee

Caruurta u ogoolow in ay yeeshaan hobby ay xiiseeyaan oo joogto ay u sameeyaan, sida dabaasha, kubada cagta iwm.

10. Shaashada ka yaree

Isticmaalka badan ee shaashada sida moobeelka ama TV-ga waxa uu dhaawacaa maskaxda, qaasatan caruurta. Ka yaree isticmaalka shaashada caruurta.


Readers

Image
Ayaan
Image
Degan in
Image
Liban Ge
Image
Hodan
Image
Sharma s
Image
Amina
Image
Asma

0 comments


No comments added.

Ubax App