0

Xanaaqa badan waa musbaar

2024-02-11

Wiil yar ayaa waxa uu ahaa mid aad u xanaaq badan oo maalin kasta dagaal iyo dhibaato abuura. Aabihiis ayaa go'aansaday in uu cashar u dhigio.

Aabaha ayaa u dhiibay kiilo musbaaroo ah isagoo u sheegay in markasta oo uu xanaaqo uu musbaar ku garaaco guriga albaabkiisa oo alwaax ka samaysan. Maalintii ugu horeysay 37 musbaar ayuu ku dhuftay albaabka.

Markii uu isbuuc hawsha waday ayuu wiilkii yaraa dhibsaday in uu markasta ku garaaco musaabiir albaabka, isagoo bilaabay in uu iska yareeyo xanaaqa. Isbuucii labaad musbaarada uu ku garaacay albaabka hoos ayay u dheceen. Waxa uu ogaaday in ay ka fududahay in uu xanaaqiisa kontoroolo marka loo barbar dhigo in uu alwaax musaabiir ku garaaco.

Ugu dambeyntii waxa uu gaaray maalin uusan wax musbaar ah ku dhufan albaabka. Aabihiis ayuu u sheegay warka wacan. Aabihii ayaa wiilkii ka codsaday in uu hada albaabka ka soo wada siibo musbaaradii uu ku gaaracay.

Ugu dambeyn waa uu ka wada bixiyay musbaaradii albaabka. Aabihii ayaa ku yiri "Shaqo wacan ayaa qabatay wiilkeyga, laakiin fiiri dhaawaca iyo daloolada ku yaala albaabka."

Isagoo intaas ku daray "sida albaabka oo kale marka adiga oo xanaaqsan aad qof ku dhahdo hadal xun, waxaad gaarsiinaysaa dhaawac aan si fidud lagu dhayi karin."

Xikmada sheekadu waa in ficilada iyo hadalada aad ku dhahdo xanaaqa ay yihiin musbaar oo kale. Xitaa haddii aad qofka raali galiso dhaawicii ma bogsoonayo sida daloolka uu ka tagay musbaarka albaabka lagu garaacay. 
 

Readers

Image
Najma
Image
Mmarwa
Image
MohameT
Image
Omar Abd
Image
Zuldaan

0 comments


No comments added.

Ubax App