0

Jawaab la'aantu waa jawaab

2024-01-08

Marar badan waxaa dhacda in qof aad is barateen ama shukaansi idiin socday uu yareeyo ama joojiyo wicitaanka ama qoraalada.

Adiguna aad dadaal galineyso in aad raadiso, oo aad fariimo iyo wicitaan intaba ku raadiso. Qofkii waa iska aamusan yahay oo wax jawaab ah kama haysid. Maxaa kula gudboon?

Jawaab la'aantu waa JAWAAB. Waa jawaab kuu sheegeysa in uusan qofkaasi ku daneyneyn. Haddii uu qofku caafimaad qabo oo aysan dhibaato ku dhicin, qofka ku xiisaynaya ma waayo waqti uu kugula hadlo, ama qoraal kuugu soo qoro.

Markasta oo aad ka daba orodo qofkaasi waxaa hoos u dhacaya qiimahaaga. Hore u soco oo haka daba cararin. Ha iska dhigin mid daciif ah oo keligii baahi qaba.


Readers

Image
Deeqa
Image
Salma mo
Image
Cali sal
Image
Nawal na
Image
Ahmed
Image
Mostaphe

0 comments


No comments added.

Ubax App