0

9 talaabo oo kuu fududeyn kara ka hor hadalka dadka

2023-12-14

In dad badan laga hor hadlo waa mid cabsi weyn ah, balse haddii aad barato sida loo maareeyo cabsidu waa ay kaa yaraanaysaa waana la qabsanaysaa. Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigayaa dhowr talo oo haddii aad raacdo aad ku guulaysan doonto in aad si kalsooni ah aad u soo jeediso khudbad lala dhacay.

1. Is diyaari

Talaabada ugu muhiimsan ee khudbad soo jeedintu waxay bilaabataa inta aadan bilaabin soo jeedinta khudbada.

- Waqti hore diyaari presentation/bandhig haddii aad samaynayso. Taasi waxay kaa caawinaysaa in aad practise ku samayso hadalka iyo bandhigaaga.
-Haddi aad dadka warqado u qaybinayso iska xaqiiji in aad adigu si fiican u akhrisay waxa ku qoran.
- Qof kula practise samee bandhigaaga oo u soo jeedi. Si daacad ah u waydii halka aad ku liidato iskana sax.
- Haddii aad dhib ku qabto in aad erayo ku dhawaaqdo ku tababaro oo iska xaqiiji in aad si fiican ugu dhawaaqi karto.

2. Yeelo masraxa

Marka aad soo fuusho masraxa ayaa ah marka ay dad badan cabsi ku soo degto. Waxaa jira waxyaabo haddii aad maskxada ku hayso kaa caawin kara in aad yeelato masraxa oo sida guriga uu kuu noqdo. Waxaa muhiim ah in aad la socoto dhaqdhaaqa jirkaaga.

- Ugu horeyn toos u fiiri dadka ku daawanaya, lugaha saa'id ha u kala fogeyn hana isugu dhajin.
- Isku day in aad dadka ku daawanaya qof ba mar fiiriso, laakiin saa'id ha ugu daahin hal qof.
- Ha noqon mid hal meel iska taagan ee dhaqdhaqaaq samee, laakiin socodka saa'id ha u badin.
- Iska ilaali in aad gacmaha isku xirato, ama aad gacmaha dhabarka gadaal ka mariso ama aad jeebka gasho.
- Ha iska taataaban wax aad gacanta ku hayso, u isticmaal gacmahaaga in aad ku sawirto erayada afkaaga ka baxaya.

3. La soco erayadaada iyo qaabka aad u hadlayso

Marka aad hadalka soo jeedinayso waa in aad si waadix ah u hadashaa. Waa in aad erayada isugu xirtaa si la fahmi kara oo caqli ku dhisan.

- Xaqiiji in la maqlayo codkaaga, adigoo aan aad u qaylinayn.
- Ha u hadli si degdeg ah, hana u hadli si aad u gaabis ah. Isku day in xawaaraha hadalkaaga aad ku salayso jumlada aad ku hadlayso iyo muhiimad ay leedahay.
- La soco qaabka aad eray walba ugu dhawaaqayso iyo muhiimada aad siinayso.
- Hakad samee, waa muhiim in aad hakad qaadato, marka aad hakad samayso dadka ku dhagaysanayo waxay waqti u helayaan in ay milicsadaan hadalkii aad hada u sheegtay, adiguna waxaad helaysaa waqti aad isu diyaariso hadalka ku xiga.

4. Baro dadka aad hadalka u jeedinayso

Aad ayay muhiim u tahay in aad taqaano dadka aad hadalka ama bandhiga u jeedinayso. Cilmi baaris ku samee cida hadalka aad u jeedinayso sida shaqadooda, rag iyo dumar waxay yihiin, arday iyo macalimiin, waayeeel iyo dhalinyaro. Taasi waxay kaa caawinaysaa in aad u diyaariso bandhig ku haboon. Sidoo kale waxaad fahmaysa sababta ay dadkaasi kuu dhageysanayaan iyo waxyaabaha ay doonayaan in ay kaa faa'idaan.

5. Ka adkoow cabsidaada

Ma ahan horta mid aad hal hadal uga adkaan karto, laakiin waxaad ku yareyn kartaa cabsida in aad tahay qof diyaarsan, in aad practise samayso. Isku day in aad cabto biyo badan inta aadan hadalka soo jeedin, iska ilaali coffeeyga, waxna cun hadalka ka hor. Badso neef qaadashada.

- Xasuusnow in dadku aysan meesha u imaan in ay adiga ku daawadaan balse ay doonayaan in ay ku dhageystaan. Mana jecla in aad fashilanto oo waxay doonayaan in ay wax kaa faaidaan. Waxa aad bixinayso waa adeeg.
- Ha u sheegin dadka in aad cabsanayso, inta badana ma muuqato sida adigu aad u dareemayso.

6. Ha isticmaalin qoraal

Waa qaab daro in adiga oo hadal soo jeedinaya aad hadba hoos u fiiriso qoraal aad soo diyaarisay. Taasi waxay dadka ku daawanaya u sheegaysaa in aadan ahayn qof si fiican u yaqaana mowduuca uu ka hadlayo. Markasta oo aad hoos fiirinayso waxaa meesha ka baxaya fursadii aad ku fiirin lahayd dadka ku dhagaysanaya. Sidoo kale haddii aad qoraal akhrinayso hadalkaagu waxa uu noqonayaa mid aan xiiso lahayn oo la soo diyaariyay.

7. Sawiro isticmaal

Haddii aad samaynayso bandhig sida Power Point, waxaa fiican ah in aad:

- Isticmaasho sawiro, kuwaasoo xiiso u yeelaya bandhigaaga. Balse haka badanin.
- Qoraalka ku qoran shaashada aad u yaree.
- Hadalka aad soo jeedinayso haku qorin bandhiga ee ku qor erayada furaha ah oo keliya.

8. Isku day in aad baashaasho

Haddii aad u muuqato qof aan xiiso u qabin mowduuca uu soo jeedinayo, dadku way kugu caajisaan. Isku day in aad baashaal muujiso, farxad iyo xiiso. Haddi aad tahay qof dadka ka qoslin kara ku dar xoogaa ila qosol ah.

Taasi waxay keenaysaa in adiga iyo dadka ku dhagaysanaya aad isku soo dhawaataan iyadoo dejinaysa jawiga, kaana yareynaysa cabsida.

9. Fashilkaaga wax ka baro

Markasta oo aad soo jeediso khudbad ama bandhig, dib u milicso oo qiimeyn ku samee bandhigaaga. Xasuuso waxyaabaha guuleystay iyo waxyaabaha qaldamay oo dib aad u sixi karto.

Soo jeedinta hadalka iyo bandhigu waa qeyb muhiim ah oo soo wajahaysa dad badan, laakiin ma ahan wax aan la baran karin ama aadan la qabsan karin.


Readers

Image
Liban Ge
Image
Najma
Image
Jamaal
Image
Liibaan
Image
Apdiwaha
Image
Hodan
Image
Said
Image
Hamse
Image
Sacdia
Image
MohameT
Image
Faysal
Image
Anisa
Image
Haawa bi
Image
Saam
Image
Omar Abd
Image
Abdaam
Image
Zuldaan
Image
Apdirahm

0 comments


No comments added.

Ubax App