0

Waxaan go'aansaday in aan ku furo

2024-05-11

Nin ayaa habeen markii uu guriga yimid ku yiri xaaskiisa "arin ayaan rabaa in aan kuu sheego."

Xaaskii ma aysan waydiin arinta balse casho ayay u keentay oo  dhinaciisa ayay fariisatay.

Wajikeeda walwal ayaa ka muuqday inta ay cashaynayeen. Markii uu cashada dhamaystay ayuu ku yiri:

"Waxaan go'aansaday in aan ku furo."

Xaaskii oo naxdin darteed naqasku ku dhegi gaaray ayaa waydiisay sababta.

Waxa uu ku jawaabay "Ha iska dhigin qof aan wax ogeyn, aniga iyo adiga xiriirkeena sidii hore maaha oo xiiso la'aan ayuu noqday."

Waxay ku jawaabtay "markaan 10 sano isqabnay miyaa ogaatay midaas?"

Ninkii oo xanaaqay ayaa ku yiri "haa, sababtuna waa in aan bartay qof kale oo indhaha ii kala furay."

Way iska aamustay xaaskii oo habeenkii sidaa ayay ku kala seexdeen.

Subaxdii ayay ku tiri "diyaar ayaan u ahay furiinka, laakiin hal shuruud ayaan wataa."

Ninkii oo faraxsan ayuu ku yiri "diyaar, soo daa shuruuda."

Waxay ku tiri "kaama rabo lacag iyo wax kale. Laakiin waxaan kaa codsanayaa in aad i furto hal bil ka dib."

Waxay intaas ku datay "ilaa bisha ka dhamaanayso, subax kasta waxaan kaa rabaa in aad sariirta iga soo qaado oo irida qaadis igu keento."

Ninkii oo la yaabay codsiga caruurnimada ah ayaa aqbalay maadaama uu rabay in uu halmar iska furo xaaska.

Markii uu xafiiska tagay ayuu naagtii uu saaxiibka la ahaa u sheegay codsiga xaaskiisa, iyagoo ku qoslay.


Subaxdii ugu horeysay marka uu sariirta ka soo qaaday waxay dareemeen nacasnimo. Wiilkooda yar ayaa ku qoslay una sacbiyay.

Xaaska ayaa dhagta ugu sheegay "ha u sheegin wiilkeena furiinka."

Madaxa ayuu ruxay isagoo xanuun qalbiga ka dareemaya.

Subaxii labaad ayuu soo qaaday, isagoo carafsaday barafuunkeeda. Waxa uu dareemay in uusan muddo dheer xaaskiisa wajigeeda toos u fiirin.

Waxay u muuqatay mid daalan oo shaqada gurigu ay saameyn ku yeelatay.

Maalintii afaraad waxa uu dareemay sida gabadhii qurxooneyd ee uu guursaday ay u bedeshay hooyonimada.

Waxa uu sidoo kale dareemay in xaaskiisa ay aad u caatowday.

Maalintii shanaad waxa uu dareemay in uu soo galayo dareen jaceyl iyo rabitaan ku aadan xaaskiisa.

Waqtigii ayaa socday iyadoo maalin ba maalinta ka dambeysa uu dareemayo qiimaha xaaskiisa iyo jaceylkeeda.

Maalintii u dambeysay, ayuu inta degdeg u soo qaaday ayuu baabuurka degdeg ku galay.

Markii uu xafiiska tagay ayuu gabadhii uu xiriirka la lahaa ku yiri "iga raali noqo, laakiin furiinkii waa ka noqday."

"Waxaan ogaaday in aan wali jeclahay xaaskeyga, dhibaataduna ay ahayd in aanan waqti siin reerkeyga."


Isagoo u sheegay in uu soo afjaray xiriirkii ay lahaayeen.

Markii uu shaqada ka baxay ayuu inta ubax dukaanka ka soo iibiyay waxa uu toos u aaday guriga. 

Markii uu guriga yimid ayuu qolka jiifka ugu tagay xaaskiisa oo jiifta, isagoo isku dayay in uu kiciyo.

Nasiib daro, xaaskiisa waaba geeriyootay oo sababta ay caato la noqotay ayaa ahayd in ay qabtay xanuunka kansarka.

Ninka ma uusan dareemin in xaaskiisa ay xanuusaneyd maadaama uu ku mashquul sanaa naagta kale oo guriga xili dambe imaan jiray habeen kasta. 

Xaaska waa ogeyd in uusan u harin waqti dheer balse waxay dooneysay in wiilkooda uusan arkin furiinka waalidkiisa.

Xikmada sheekadu waa in dad badan ay fahmaan qiimaha qofka ay haystaan marka uu ka tago. 

Readers

Image
Mohamed
Image
izra
Image
Fadz
Image
Hodan
Image
Awil
Image
Pheno
Image
Anfac
Image
Muniish
Image
Cabdiris
Image
Cabdirax
Image
Aadan mo
Image
Yusuf
Image
Hamse ab
Image
Hanuush
Image
Xamda
Image
Saacid n
Image
Sharmark
Image
Abdi Ahm
Image
Ahmed no
Image
Liban
Image
Yasser s
Image
Mohamed
Image
Cabdi Xa
Image
AKRAM
Image
Mupashir
Image
Kadar
Image
Bosteyo
Image
SADADK
Image
Beela
Image
Abbas
Image
Najiib
Image
Xamda
Image
Maxamed
Image
Haawa bi
Image
Khalit m
Image
Maxamad
Image
JaynE
Image
C/raxmaa

0 comments


No comments added.

Ubax App