0

Gabadhii xaflada u dhuumatay

2024-01-28

Gabar dhalinyaro ah ayaa hooyadeed kula dagaashay in ay xaflad asxaabteeda dhiganayaan ay aado. Hooyadeed oo ahayd qof aan jeclayn wareega ayaa ka diiday in ay baxdo.

Gabadhii oo xanaaqsan ayaa qolkeeda isku soo xirtay. Fiidkii ayay inta labisatay ayay guriga daaqada ka baxday iyada oo aysan waalidkeed ogeyn.

Xafladii ayay tagtay, xoogaa markii ay joogtay ayay is barteen wiil. Sheeko iyo shukaansi macaan ayaa dhexmaray. Markii ay saq dhexe tahay ayuu u soo bandhigay in uu guriga geeyo. Wiilku waxa uu ahaa mid fudud oo degdeg badan.

Waa ay ka yeeshay oo gaarigiisa ayay qaateen. Gaariga xawaare badan ayuu ku wadaa, gabadhii cabsi ayaa gashay oo dhowr goor ayay ka codsatay in uu gaariga tartiib u wado.

Hadalkeedii wuu iska dhaga tiray oo sheelaraha ayuu dhulka geeyay, nasiib daro gaarigii oo xoog badan ku socda ayaa ka hortagay gaari kale. Gabadhii iyadoo ku qeylineysa "Alla Alla gaariga" ayaa miyir ugu dambeysay.

Maalmo ka dib ayay soo toostay iyada oo sariir hospital saaran. Kalkaaliyihii caawinaayay ayay waydiisay sida wax u dheceen, iyadoo loo sheegay in ay shil gaari gashay.

Waxay waydiisay xaalada wiilkii la socday. Waxaa loo sheegay in uu shilkii ku geeriyooday.

Waxay waydiisay xaalada dadkii saarnaa gaarigii ay ku dheceen, waxaa loo sheegay in dhamaantood iyaguna ay geeriyoodeen.

Iyadoo aad u mureygeysan ayay inta gacanta ka qabatay kalkaalisadii ayay ku tiri "Fadlan hooyaday iyo aabahay u sheeg in ay iga raali noqdaan oo aanan mar dambe hadalkooda diidi doonin."

Kalkaalisadii ayaa iyada oo aan u jawaabin madaxa u ruxday.

Dhaqtar qolka kula jiray ayaa waydiiyay kalkaalisada sababta aysan ugu jawaabin gabadha.

Kalkaalisadii ayaa ugu jawaabtay:

"Ma rabin in aan u sheego in labada qof ee gaariga kale ku geeriooday ay ahaayeen hooyadeed iyo aabaheed oo u soo baxay in ay iyada raadiyaan."

Waligaa haka amar diidin waalidkaa, iyaga ayaa kaa jecel dantaada iyo naftaada. 

Readers

Image
C/salaan
Image
Mabsuud
Image
Osman kh

0 comments


No comments added.

Ubax App