0

Sheeko: Gabadha ama deynta

2023-12-24

Oday beeraleey ah ayaa beri lacag deyn ah waxaa ku lahaa nin ganacsade fool-xun oo naxariis daran. Ninka ganacsadaha ayaa hammi waxaa kaga jiray in uu guursado gabadh qurxoon oo caqli badan oo uu dhalay odayga.

Ganacsadaha ayaa waxa uu soo diyaariyay qorshe uu cadaadis ku saari karo odayga. Maalin ayuu u yimid oo ku yiri lacagtii deynta degdeg waa in aad u bixisaa.

Odayga ayaa aad u beryahay isagoo u sheegay in uusan awoodin in uu lacagtaas bixiyo. Ganacsadihii ayaa u soo jeediyay in uu siiyo gabadhiisa oo lacagta deynta uu ka cafinayo.

Odaygii oo arinta diidan ayaa u sheegay in uu fikrada u bandhigayo gabadha. Markii loo bandhigayay ayay gabadhii diiday. Ganacsadihii sidaas kuma harine waxa uu sheegay in uu diyaar u ahay in uu sharad ciyaaro.

Waxa uu soo bandhigay in labo dhagax, mid cad iyo mid madoow uu jawaan ku ridayo, haddii gabadhu ay qaadato dhagaxa cad deynta wuu cafinayaa mana guursanayo. Haddii ay qaadato kan madoow waa in ay guursataa deyntana wuu cafinaya. Haddii ay diido in ay sharadka ciyaarto xabsiga ayuu odayga dhigayaa ilaa deyntiisa uu helo.

Gabadhii waa aqbashay sharadka. Ninkii ayaa meel dhagaxyo badan oo cadaan iyo madoow kala ah ka soo qabtay labo dhagax isagoo jawaanka ku riday. Balse qiyaano ayuu sameeyay gabadhuna waa aragtay. Jawaanka waxa uu ku riday labo dhagax oo madoow.

Markaas ayuu ku yiri gabadhii gacanta geli oo dhagax la soo bax. Gabadhii oo walwalsan ayaa dareentay in ay shirqool gashay. Maskaxdeeda iyo hal-abuurkeeda ayay inta ka shaqeysiisay gacantii jawaanka galisay.

Dhagaxii ay la soo baxday ayaa inta aan la arkin waxay ka dhigtay in uu dhulka kaga dhacay. Dhulkana waxaa ku daadsan dhagaxyo kale oo cadaan iyo madoow ah.

Ninkii ayaa ku qeyliyay "dhagexee la baxday."

Markaasay ugu jawaabtay "iga raali noqo, dhulka ayuu iiga dhacay."

"Laakiin haddii aad jawaanka fiiriso, dhagaxa ku haray maahane midka kale ayaan qaatay."

Dhagaxa ku haray waa madoow maadaama uu ninka isaga qiyaano sameeyay oo labo dhagax oo madoow uu jawaanka ku guray.

Ninkii ayaa qiyaanadii la gadoontay, isagoo aqbalay in uu odayga deynta ka cafiyo gabadhana faraha ka qaado.

Xikmada sheekadu waa in aadan qiyaano sameyn ma ogid in ay adiga kugu wareegi doonto. Waa kuwa soomaalidu yiraahda "God ha qodin, hadaa qodidna ha dheereyn, ku dhici doontidaa ma ogide."

Xikmada labaad waa in haddii xaalad cakiran kula qabsato aad maskaxdaada iyo hal-abuurkaaga isticmaashid si aad xal u raadiso.


Readers

Image
Abdishak
Image
Xamda
Image
rashid

0 comments


No comments added.

Ubax App