0

Haddii aad digaag la korto digaag ayaad noqoneysaa

2024-03-12

Nin digaaga dhaqda ayaa meel cidlo ah ka helay ukunta gorgorka. Ukuntii ayuu inta soo qaaday ku daray kuwii digaaga ee uu bacriminayay.

Ukuntii gorgorka ayaa dilaacday iyadoo gorgorkii yaraa uu la soo koray digaaga. Gorgorkii markii uu weynaaday waxa uu maalin kasta sameeyaa waxyaabaha ay digaagu sameeyaan iyo sida ay u dhaqmaan.

Maalin ayuu arkay gorgor aad u weyn oo cirka si qurxoon oo awood badan u duulay. Saaxiibadiis digaaga ayuu weydaay "Waa maxay kaasi?."

Digaagii ayaa ugu jawaabay "kaasi waa gorgor, waa boqorka shimbiraha."

"Cirka isaga ayaa iska leh, anagu dhulka ayaan leenahay."

Gorgorkii yaraa ee digaaga la soo koray waxa uu aaminsanaa in uu digaaga la midyahay, waligiis ma duulin, iyaga ayuu ku dhexdhashay kuna dhex dhintay. 

Xikmada sheekadu waa in bey'ada iyo dadka aad ku dhex korto ay saameyn ku leeyihiin kartidaada iyo awoodaada. Haddii aad digaag ku dhex korto, sida digaaga ayaad u dhaqmeysaa. 

Haddii aad dooneyso in aad bedesho qaab fikirkaaga waa in aad bedeshaa bey'adaada. 

Readers

Image
Hassan
Image
Mudathir
Image
Omar Abd
Image
Hassan D

0 comments


No comments added.

Ubax App