0

Ninkii pilotnimada ku bartay hal maalin

2024-02-14

Nin ka mid ah shaqaalaha diyaaradaha nadiifiya ayaa maalin isaga oo nadiifinaya qolka duuliyaha waxa uu arkay buug. Buuga oo lagu magacaabo "Aasaaska sida loo duuliyo diyaaradaha" ayuu bilaabay in uu akhriyo. Keligiis ayaa ku jira gudaha diyaarada. Buugii ayuu bilaabay in uu talaabo talaabo u raaco.

"Si aad u daarto motoorka riix halkaas." ayuu akhristay oo waa uu riixay mise diyaaradii motoorka ayaa daarmay. "Si aad u dhaqaajiso riix halkaas." hadana waa ay dhaqaaqday. "Si aad hawada u galiso riix halkaas." waa uu sameeyay mise hawada ayay gashay diyaaradii.

Ninkii farxad badan ayuu dareemay in uu si degdeg ah diyaar uu ku kiciyay. Markii uu xoogaa hawada soo wareegay ayuu go'aansaday in uu soo dajiyo diyaarada.

Boggii xigay ayuu soo gadiyay si uu u akhristo talaabadii uu qaadi lahaa si uu u dejiyo diyaarada. Mise waxaa ku qoran "Soo iibso Buuga Sida loo dajiyo diyaaradaha."

Ka dib maxaa dhacay ayaa is leedahay?

Xikmada sheekadu waa in aadan waligaa ku kalsoonaan cilmi aan dhamaystirnayn. Dadka qaar ayaa inta waxyar akhrista isku maleeya in ay cilmigii dhameeyeen. Isku haleynta cilmiga yar waxa uu ku galin karaa qatar weyn. 


Readers

Image
Said
Image
Shakir

0 comments


No comments added.

Ubax App