0

Gabareey ragga waxaa ku jira waraabayaal

2024-04-04

Waraabe ayaa fariin u diray idaha si ay u heshiiyaan. Waxa uu ku yiri "colaada naga dhex taagan waxaa masuul ka ah dadka. Haddii dadku ay naga dhex baxaan waxaan noqon karnaa saaxiibo fiican."

Idaha oo lagu yaqaano caqli xumo ayaa hadalka waraabaha u qaatay run.

Waxay ku yiraahdeen dadkii ilaalinayay "ilaalada waxaa nooga qaadeen xoriyada. Oo waxaad noo diideen in aan saaxiibo yeelano." Waxay bilaabeen in ay ka fogaadaan dadkii ilaalinayay. 

Habeenkii markii la gaaray iyagoo cidlo meel iska daaqaya ayaa waraabihii si fiican ugu casheeyay.

Imisa goor ayay dhacdaa gabadh waalidkeed kula dagaasha in xoriyada laga qaaday? In lagula dagaalay habeenkii waqti dambe ha bixin? Nimanka iska ilaali iwm. 

Laakiin xaqiiqada ayaa ah in waalidku dantaada waddaan oo keliya. Ragga waxaa ku jira waraabayaal badan oo haddii ay fursad kugu helaan kaaga faa'idaysanaya. 

Ha noqon sida neef ida ah oo uusan waraabuhu banaanka kugu cunin. 

Readers

Image
Misha
Image
Qaali
Image
Xamda
Image
Ayaan
Image
Degan
Image
Qadar
Image
Anisa
Image
Nasina
Image
Haawa bi
Image
rashid
Image
Sagal
Image
Sapriin
Image
Yahye
Image
Ahmed
Image
Xamuud
Image
ANNA
Image
Yahye
Image
Bahja
Image
Bushro a
Image
Ahmed
Image
Nafac
Image
Mohamed

0 comments


No comments added.

Ubax App