0

Sheeko: Safarkii Dhaqtar Adam

2024-03-17

Dhaqtar Adam waxa uu ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurka kansarka. Si uu uga qeyb galo shir muhiim ah oo ka dhacayay magaalo kale ayuu u goostay tikid diyaaradeed.

Markii diyaarada la fuulay oo ay kici rabto ayaa cilad gashay. Dhaqtarka oo ay muhiim ahayd in uu shirka ka qeyb galo ayaa go'aansaday in uu baabuur qaato.

Markii uu jidka saacado socday ayaa waxaa soo bilowday roob xoogan oo wadadii xiray. Waxa uu qaaday waddo yar isagoo xoogaa markuu socday ay jihadii ka luntay.

Ugu dambeyn waxa uu yimid guri meel duur ah ku yaala oo ay joogto haweenay. Waxa uu go'aansaday in uu xoogaa la joogo reerka inta roobku ka kala yaraanayo.

Haweeneydii ayaa ku soo dhaweysay shaah. Ka dib ayay inta qolka gashay waxay bilowday in ay duceysato. Markii ay dhamaysay ayuu dhaqtarkii waydiiyay waxay ku duceysanaysay?

Waxay ugu jawaabtay "Waxaa ii jooga wiilyar oo qaba cudurka kansarka. Meel kasta waa geeyay laakiin waxaa la ii sheegay in dhaqtar Adam oo keliya uu yaqaano cudurkaan."

Ma oga in qofka ay la hadlayso uu yahay dhaqtar Adam.

"Laakiin lacag aan dhaqtarkaas ugu geeyo mahaysto. Marka Allah ayaan ka beryahay in uu xal ii keeno." ayay ku dartay.

Dhaqtarkii ayaa ilmo ka soo daadatay. Waxa uu fahmay in sababta ay diyaaradu uga ciladowday, oo roobku wadada uga xiray in ay tahay amar illaahay u soo waday guriga haweeneydaan.

Xikmada sheekadu waa in qorshahaaga uu ka weynyahay qorshaha ilaahay iyo calafka illaahay kuugu talagalay in meel aadan fileyn uu ka keenayo. 

Readers

Image
Sabrin
Image
Ayaan
Image
Mostapha
Image
Omar Abd
Image
Hanad
Image
Ahmed
Image
hadiya
Image
Amiin Ci
Image
Dugsiiya

0 comments


No comments added.

Ubax App