0

7 arimood iska ilaali haddii aad dooneyso in aad koriso caruur kalsooni leh

2024-02-22

1. Marka ay wax qaldaan oo lagu qayliyo.

Waxay keeneysaa in ay ka cabsadaan in ay wax qaldaan taasoo saameyn ku yeelanaysa inta mustaqbalkooda ka dhiman.

2. In wax kasta loo sameeyo.

Ma helayaan fursadii ay ku dhisi lahaayeen kalsoonidooda. In caruurtu ay wax cusub tijaabiyaan oo caqabad xaliyaan waxay dhistaa kalsoonida.

3. In lagu dhaliilo waxyaabaha ay ku liitaan.

Caruurta haddii lagu celceliyo dhaliisha waxyaabaha ay ku liitaa, sida in la yiraahdo nacas baa tahay, waxaas ma taqaanid, iwm waxay keeneysaa in ay hilmaamaan waxyaabaha ay ku wanaagsanyihiin oo negative keliya ay u fikiraan oo ay kalsoonida ka dhunto.

4. In lala barbardhigo dadka kale.

Is barbar dhiga caruurtu waa qatar, in la yiraahdo hebel baa kaa fiican waxay caruurta keeneysa in marka ay koraaan ay dad kale isbarbar dhigaan.

 5. In cadaadis natiijo lagu saaro

In caruurta cadaadis badan lagu saaro in ay natiijo fiican keenaan, sida iskuulka waxay keenysa in ay fashil dareemaan haddii suurto gali weydo.

6. In dadka hortooda lagu ceebeeyo.

In caruurta lagu dhaliilo dadka kale hortiisa waa xanuun ay dareemi doonaan muddo dheer.

7. Jir dilka.

In caruurta gacan loo qaado waa dhibaatada ugu weyn ee waalidka iyo macalimiinta soomaalidu ku dhaawacaan maskaxda caruurta.

Readers

Image
Degan in
Image
Hodan
Image
Salma mo
Image
Qalanjo
Image
Shamso
Image
Abdihaki
Image
Farduus
Image
Najaad o
Image
Mudathir
Image
Omar Abd
Image
Ciise
Image
Ahmed
Image
Yuusuf
Image
Abdirahm

0 comments


No comments added.

Ubax App