0

5 calaamadood ee guurka fashilka ku dhow

2023-12-21

Burburka guur kasta waxaa ka horeeya dhibaatooyin mudo soo socday oo aan waxba laga qaban. Haddii guurkaaga aad ku aragto calaamadaha hoos ku xusan waxaad ku socotaan wadadii burburka xiriirka iyo furiinka balse wali waxaad haysataan fursad aad isbedal ku samayn kartaan haddii uu jiro jaceyl dhab ah oo idinka dhexeeya. 

Waxaad ku riyootaa nolol kale

Haddii aad is aragto adiga oo ka fikiraya noloshu siday noqon lahayd ninkaaga ama xaaskiiga la'aantiis taasi waxay calaamad u tahay in aadan ku faraxsanayn nolosha guurka ama xiriirkiina. Waxay calaamad u tahay in ay jidho dhibaato ku haysata oo aad ku riyooneyso in aad ka baxdo. Waxaa wanaagsan haddii aad xaaladaan ku jidho in aad si degdeg ah qiimeyn ugu samayso waxyaabaha aad tabanayso ee ka maqan xiriirkiina, isla markaana aad wada-hadal xaqiiqada ku dhisan aad la yeelato seygaaga ama xaaskaaga. 

Xumaanta ayaa samaanta ka badan

Xiriir kasta waxa uu leeyahay waxyaabo ama dabeecado uu qof ka mid ah xumaan u arko, haddii aan dhibaatooyinka la xalin waqti hore waxay gaadhayaan heer ay faraha ka bataan oo waxkasta oo aad seygaaga ama xaaskaaga ku aragto ay xumaan noqdaan. Xaaladiinu waxay noqonaysaa dagaal joogto ah iyo muran. Waxaa meesha ka baxaya wixii wanaag ahaa ee idinka dhexeeyay iyadoo ay kuu muuqanayso xumaanta oo keliya. Xalku waa in waqti hore laga wada hadlayo dhibaatooyinka oo deg deg lagu xaliyo. 

Kama wada-hadashaan dareenkiina

Waxaa la ogaaday furaha farxada lamaanaha in ay tahay wada-hadalka. Haddii iinan ka wada-hadlin xumaanta iyo samaanta ma helaysaan fursad aad ku xalisaan dhibaatooyinka. Haddii aad wax tabanayso ama ay jidho arin aad dhibsatay ee uu sameeyay seygaaga ama xaaskaaga waa in aad kala hadasho. In aad wadahadal furan oo qalbi wanaagsan ku yeelataan waxay dhisaysaa farxada, kalsoonada iyo jaceylka.

Difaac ayaad gashaan

Marka mid ka mid ah lamaanaha uu soo jeediyo cabasho ama dhibaato soo bandhigo waxaa dhacda in mid ka kale uu difaac galo halka uu dhagaysan lahaa. Waxaa dhacda in seygaaga ama xaaskaaga ay adiga dhaliil iyo caro kugula dul dhacdo marka aad isku daydo in aad soo jeediso fikradaada. Tani waxay calaamad u tahay in aad qarka u saarantihiin burbur, waayo waxaa meesha ka baxday xaaladii lagu wada hadli lahaa. Waxaa meesha ka baxday degenaantii iyo kalsoonidii xal lagu raadin lahaa.

Waxaad dareemaysaa cidlo

Farxada guurku iyo xiriirku waa mid u baahan wada-shaqayn ka dhaxaysa labo qof, haddii iinan wada hadlin waxaa dhacda in aad isku daydo in aad keligaa xal u raadiso dhibaatooyinka idinka dhexeeya taasoo ugu dambeyn keenaysa in aad dareento cidlo iyo in aadan garab haysan. 

Xiisaha galmada ayaa meesha ka baxay

Guurka aan galmada lahayn waxa uu ku dhamaadaa furiin. Galmadu waa qeyb weyn oo ka mid ah waxyaabaha isku soo dhaweeya lamaanaha. Waliba burburka ugu liita waxa uu yimaadaa marka labada qof mid ka mid ah uu doonayo galmada balse mid ka kale uusan dooneyn. Tani waxay abuuraysaa xaalad xumaan ah ama qasab keenaysa. Haddii aad doonayso in aad badbaadiso guurkiina waxaa muhiim ah in aad fiiro gaar ah u yeelato galmada isla markaana aad waqti siiso. 


Readers

Image
Naema
Image
NaJma
Image
Adar
Image
Sihaam
Image
Faruk
Image
Mohamed
Image
Zakaia a

0 comments


No comments added.

Ubax App