0

5 sirood oo anfacaya ragga ka cabsada shukaansiga

2023-12-14

Waxaad jeceshahay gabadh balse waxaa kaa maaqan geesinamadii aad kula hadli lahayd. Maalin kasta waxaad samaysaa qorshayaal cusub oo ku saabsan sidii aad ula hadli lahayd balse markii ay kaa soo hor baxdo ayaad noqotaa dooli bisad arkay. Hadaba sidee ayaad u yeelan kartaa kalsoonidii aad kula hadli lahayd gabadh kasta? Halkaan waxaan kuugu soo bandhigaynaa 5 talo oo ku anfici doonta:

Fikirka jooji

Cadowga ugu weyn ee kaa hortaagan in aad gabdhaha la hadasho waa maskaxdaada. Fikirka badan waxa uu adkeeyaa xaalada ee waxba ma fududeeyo. Dumarkuna ma jecla ninka waxkasta intuu soo qorsheeyay u hadlaya sida kombiyuutarka. Horta ugu horeyn madaxaaga deji, xasuuso in waxba aysan kaa qaasi karin. Haddii aad la hadasho gabadha oo ay ku ogolaato waa guul, haddii ay ku diidana waa guul waayo waxaad ogaanaysaa meesha aad ka joogto xageeda. Isku day in aad salaanto adiga oo aan waxba ka fikirin.

Ku aadi dhacdo idin wada qabsatay

Haddii aad raadinayso wadada ugu fudud ee aad kula hadli karto gabadh aad arkootay ama mid cusub, waxaad la raadisaa xaalad idin wada qabsatay. Waxay noqon kartaa cimilada oo maalintaas aad u kulul adiga oo comment ka bixin kara. Ama in aad idinka oo wada joogo ay dhacdo wax aad ku qososhaan ama aad la yaabtaan. Waxay kaloo noqon kartaa waxyaabo idinka wada careysiiya. Tusaale waxaad taagantihiin boosteejada baabuurta laga raaco. Caasiyaashii waa wada buuxaan, arintaas gabadhu waa ay ka careysantahay. Dhacdooyinkaas ayaa ah kuwa ugu fudud ee sheeko lagu bilaabo.

Kalsoonida dhiso

Kalsoonidu waa wax la dhisi karo ee ma ahan wax loo dhasho oo keliya. Sababta aadan gabdhaha ula hadli karin ma ahan iyagu in ay cabsi leeyihiin ee waxay u badantahay in adigu aadan naftaada ku qanacsanayn. Kalsoonida ayaad ku dhisi kartaa in aad is qurxiso, jirka dhisato, waxbarashada meel fiican ka gaadho, in aad shaqo fiican haysato iwm. Qofku markuu dareemayo farxad ayuu dadka kale farxad la wadaagi karaa. Haddii aad tahay qof murugeysan, oo kalsoonidu ka maqantahay dumarku horey ayay ka dareemayaan xaaladaada.

Asxaabtaada adeegso

Haddii aad guud ahaan ka cabsato in aad gabdhaha xitaa salaanto, waxaad adeegsan kartaa asxaabtaada. Haddi aad leedahay saaxiib geesi ah waxaad u dirsan kartaa in uu kuu qaraab tago. Waliba waxaa ka sii fiican haddii aad leedahay saaxiib gabadh ah oo safiir kuu noqon karta.

Internetka isticmaal

Dadka qaar ayaa geesiyiiin waaweyn ah marka ay internetka isticmaalayaan oo aad u sheeko badan marka ay chatting sameynayaan. Haddii gabadhu ay leedahay Facebook, Whatsapp iwm waxaad isticmaali kartaa aaladahaas in aad kula xiriirto. Tani ayaa laga yaabaa in ay kuu furto wadada koowaad. Laakiin ogoow in ay jirto qatar ah in gabadha ay ku soo darsadaan boqolaal nin oo kale oo iyaguna doonaya in ay la sheekeystaan. 


Readers

Image
Degan in
Image
Apdiwaha
Image
Hamse
Image
Yahye
Image
Nuur
Image
Xuriyo m
Image
Mohamed
Image
Ahmed
Image
Moha Rid

0 comments


No comments added.

Ubax App