0

5 arimood waa in lagaa helaa haddii aad gabar la kulmayso

2024-0-01

1. Xiiso

Waa in aad muujisaa in aad u xiiso qabto in aad la kulanto gabadha, oo aad soo bandhigtaa goobta aad dooneyso in aad ku kulantaan iyo taariikhda. Haddii aad 50/50 tahay gabadhu waxay dareemeysaa in aadan xiiso iyo qiimo u hayn kulankeeda.

2. Nadaafad

In aad tahay nin qurux badan tahay ma ahan dumarku waxay doonayaan, ee waxay doonayaan in aad si qurxoon u soo labisato, in aad nadaafadaada ka soo shaqeyso, in aad is carfiso.

3. In aad timaado

Wax ka xun ma jiro in aad qof balamiso hadana u gambiso. Haddii aad soo daaheyso waa in aad gabadha soo ogeysiisaa.

4. Dhaqan wanaagsan

Marka aad gabadha la kulanto waa in lagaa helaa xushmad. Waa in aadan gacmaha la soo aadin ama aadan hoosta ka soo galin. Sidoo kale waa in lagaa arkaa xushmad ku aadan shaqaalaha idiin adeegaya haddii aad maqaaxi aadaan. Dumarku aad bey u qiimeeyaan naxariista iyo xushmada.

5. In aad qarashka bixiso

Waa in aad ku tashataa in aad qarashka bixiso. Dabcan haddii aadan lacag badan haysan waa in aadan meel qaali ah la aadin. Laakiin waa qeyb ka mid ah dhaqanka Soomaalida in ninku uu qarashka bixiyo, xitaa haddii aad qurbaha joogtaan.


Readers

Image
Hazzan
Image
Naema
Image
Najma
Image
Hodan
Image
Shamso
Image
Kalid
Image
Mustaf
Image
Yahye
Image
Maxamed
Image
Hargeisa

0 comments


No comments added.

Ubax App