0

Qofkaan waxaa la dhahaa narcissist

2024-01-20

Qofka calaamadaha soo socda leh waxaa la dhahaa narcissist, waa daneyste aan isaga maahane qof kale u aabayeelin. Haddii aad calaamahadaan ku aragto qof aad saaxiib la tahay ama xiriirka leedahay, si fiican uga fiirso la socodkiisa.

1. Waxa uu isku haystaa in uu yahay qof muhiim ah, oo ay waajibtahay in la amaano ama lala dhacsanaado mar walba.

2. Waxa uu aaminsanyahay in uu xaq u leeyahay mudnaan iyo si qaas ah in loo soo dhaweeyo.

3. Waxa uu aaminsanyahay in loo arko qof horumar gaaray xitaa haddii uusan wax muuqda qaban.

4. Waxa uu buunbuuniyaa waxyaabaha uu qabto ama guulaha yaryar ee uu gaaro.

5. Waxa uu mar walba ku mashquulsanyahay khiyaali ku saabsan lacagta, horumarka uu sameyn doono iyo awooda uu heli doono.

6. Waxa uu aaminsanyahay in uu dadka ka sareeya oo uu la socon karo ama ay fahmi karaan dadka ay isku levelka yihiin keliya.

7. Waxa uu hoos u eega dadka uu u arko in aysan muhiim ahayn.

8. Waxa uu dadka kale ka sugayaa in ay si gaar ah ula dhaqmaan iyaga oo aan wax hadal ah ku soo celin.

9. Waxa uu ka faa'idaystaa dadka uu la socdo si uu u gaaro danahiisa.

10. Waxaa ka maqan garashada iyo fahanka dareenka dadka kale.

11. Waxa uu ka maseyraa dadka kale, isagoo aaminsanyahay in la xaasidayo.

12. Waxa uu ku dhaqmaa kibir iyo isla-weyni.

13. Waxa uu jecelyahay kuna adkeystaa in uu helo wax kasta waxa ugu fiican, dharka qaaliga ah, cuntada qaaliga ah, baabuur qaali ah, iwm. 


Readers

Image
Isra
Image
Naema
Image
Ayaan
Image
Anita k
Image
Najma
Image
Abdirahm
Image
Apdiwaha
Image
Kalid
Image
Hodan
Image
Faruk
Image
Zakaria
Image
Shamso
Image
Mahad

0 comments


No comments added.

Ubax App