0

4 sirood oo aad ku maareyn karto gabadha maseryka badan

2023-12-25

Haddii gacalisadaada ay tahay mid masayr badan talooyinkaan ayaa ku anfici doona. Lamaanayaal badan ayaa xiriirkoodu ku dhamaadaa masayr dartiis. Inkastoo ragga laftooda ay masayr leeyihiin ayaa hadana la wada ogyahay in masayrka gabdhaha uu badanyahay.

Fahan sababta ku dhalisay masayrka

Ma jirto gabadh iska masayrta sabab la'aan. Masayrka gabadha waxaa laga yaabaa in ay keentay xaalad shaki ku abuurtay. Ninka waxaa laga doonayaa in si degan uu isku dayo in uu fahmo sababta dhalisay masayrka gacalisadiisa. Ma waxay ka xumaatay in aad telefoonka kula hadashay gabadh kale? Ma hadal aad dhahday ayaa shaki ku abuuray?

Cilada oo la fahmaa waa xalka barkiis ayaa la yiraahdaa. In aad fahanto sababta waxay kuu fududeynaysaa in aad xal u hesho oo aad isku soo dhawaataan labadiina. Isku day in aad qirato xaalada oo aad u sheegto in aad fahantay sababta dhalisay masayrkeeda adiga oo aan eedeyn u jeedin gabadha. Isku day in aad u sharaxdo sida wax u jiraan. 

Ma jirto gabadh doonaysa in ay masayrleey ahaato

Ha xasuusinin gabadha in ay masayr badan tahay. Ma jirto gabadh jecel in ay masayrto. Isku day in aad fahansiiso in qaab dhaqankeedu uu adiga cadaadis kugu abuurayo. U sheeg in ay ku aamini karto oo aysan jirin wax ay ka walwalayso. U sheeg in aad jeceshahay farxadeeda oo aadan dooneyn in ay xanuunsato.

Isku day in aad kalsoonida u dhisto

Isku day in aad la timaado talaabooyin xal gaaris ah oo aad horay ka samayn karto. Isku day in aad si furan oo daacad ah ugala hadasho arimaha dhaliyay shakiga oo gabadhu ay ka cabanayso. Isku day in aad soo bandhigto waxyaabaha aad samaynayso si aad arimahaas xal uga gaadho. Ragg badan ayaa laga yaabaa in ay is leeyihiin yaan daciif nimo lagaa dareemin, laakiin in aad gabadha u muujiso in aad fahantay dhibkeeda isla markaana aad ka shaqaynayso farxadeeda waxay u dhisaysaa kalsoonida. 

Haku qasbin in ay kala doorato

Waligaa ha dhihin "waan kaa tagayaa ama waan ku furayaa haddii aadan masayrka joojin." Waxay u badantahay in ay hadalkaaga u qaadan doonto in aad door bidayso in aad ka tagto halkii aad ka qiran lahayd in aad qalad gashay ama xal u raadiso shakiga ku jira. Xitaa haddii aad go'aansatay in aad soo afjarto xiriirkiina, waligaa haku dhihin waan kaa tagayaa haddii aadan sidaa samayn. Dadku cadaadiska xal kuma gaaraan ee waa ay ka sii daraan. 


Readers

Image
Bisharo
Image
Jamaal
Image
Liban Ge
Image
Intifaac
Image
Sihaam
Image
Hodan
Image
Aasiya
Image
Janooy
Image
CIMRAAN
Image
Xamda
Image
Roo
Image
Hanad
Image
Sultan
Image
Zahra
Image
Mascud

0 comments


No comments added.

Ubax App