0

12 tusaale oo muujinaya sida aad u badali karto qaabka aad u fikirto

2023-12-30

Qaabka aad u fikirto waa caqabada ugu weyn ee kaa hortagaan waxyaabo badan. Maalinta aad barato sida loo badalo fikirkaaga waxaa isbedalaya noloshaada. Halkaan waxaan idinkugu soo bandhigayaa 12 tusaale oo fikirkaaga positive u badali kara.

1. Sheygaas ma awoodo in aan iibsado. Sheygaas sidee ku awoodi karaa in aan iibsado.

2. Ma haayo waqti. Hawshii ama qofkii muhiim ii ah waqti waan u abuurayaa.

3. Cid i caawisa ma aqaan. Yaan u baahanay in aan barto si ay iiga caawiyaan yoolkeyga.

4. Sida waxaas loo sameeyo ma aqaan. Sideen ku baran karaa xirfadaas.

5. Waxaas ma sameyn karo. Waa sameyn karaa wax kasta ha igu qaadatee.

6. Maanta waxaan qabto ma haayo. Maanta maxaan sameyn karaa oo horumarkeyga ka qeyb-qaadanaya.

7. Meel aan aado ma aqaan. Xagee tagaa si aan wax u soo faa'idaysto ama waqti fiican ugu qaato.

8. Dhib baa igu dhacay maanta. Cashar ayaan soo bartay maanta.

9. Gabadhaas ama wiilkaas waan ka cabsanayaa in aan nambarka weydiisto. Ma jir baa iga go'aya haddii ay Maya i dhahdo.

10. Guriga ayaan iska joogayaa. Qofkee waqti la qaataa maanta oo aan wax ka faa'idi karaa.

11. Shaqadaas waa rabaa laakiin ma lihi xirfadeeda. Mar haddii shaqada aan lugta la galo waan baranayaa wixii la iga baahanyahay.

12. Fikradaas ganacsi amaan ku qasaaraa. Sidee faa'iido uga soo saari karaa fikradaas.


Readers

Image
Najma
Image
Degan in
Image
Liban Ge
Image
Hodan
Image
Mohamed
Image
Nouradii
Image
Ahmed
Image
Ahmed

0 comments


No comments added.

Ubax App